WACADKII WASIIR XIRSI WUXUU KU EEGYAHAY 31st July- :JIDKA BURCO-OODWAYNE-HARGEISA

unnamed

WACADKII WASIIR XIRSI WUXUU KU EEGYAHAY 31st July- : BURCO-OODWAYNE-HARGEISA

Wasiir Xirsi iyo wafti  ballaadhan oo  uu  hogaaminaayo ayaa  bulshada  Gobolka Daad madheed  ugu balan qaaday in Cara-tuulka  jidka isku xidha  labada Gobol ee Togdheer & Daadmadheedh lasoo afjari doono ugu danbayn  31/7/2014. Waxa kale  ku bushaareeyay  in Madaxwayne Siilaanyo dhagax dhigo doono 18 KM oo laami ah “Paved Road”  dhamaadka bisha August,2014,. Bulshadii  goobtaas tubnayd waxay isku dareen Sacab, Sawaxan  iyo Mashxarad.Waxa Wasiir Xirsi loo dhiibay gorof    caano geel ah  oo Xoor leh ;  madaxa waxa  loogu shubay “Subag”, cimri dhirir iyo Ducana     waa loogu daray .

Odayashii iyo Wasiiradii ka daba hadlay   waxay ku dheeraadeen    Wanaaga iyo  Waxtarka  Xaaji Xirsi iyo waxqabadka Xisbigga Kulmiye.  Maanta oo aynu  joogo  26th July, 2014  dhagaxii  Wasiir Xirsi  dhagax labaad   laguma kordhin.Balaanqaadka beenta   ee Kulmiye waxa ka mid ah dhagax “ Dhig oo ka Dhaqaaq”.  Hadaba, dadka gobolka  u dhashay, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbajoogta, waxa la gudboon inay fadhiga ka kacaan oo horumarka dalkooda iyo deegaankooda ka qayb qaataan, kana ilbaxaan wacadka beenta ah ee Wasiir  Xirsi & Company.

Ali Ibrahim” Baqdaadi”, Toronto.