War Deg deg ah:Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fudiyey Wariyayaashii Wargeyska Haatuf


image

 

 

 

 

 

Hargeysa:July,13,2014(SM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Wariyayaashii wargeyska Madaxa Bannaan ee Haatuf oo maxkamadi ku xukuntay Xabsi iyo ganaaxyo muddo dheer ah.
Wasiir Maxamed Biixi ayaa maanta warkaas kaga dhawaaqay Qolka VIP-da Madaarka Hargeysa, isagoo sheegay inuu madaxweynuhu wariyayaashaas cafiyey.
Wasiirku ma uu sheegin in Rugsadii wargeyska oo la laalay dib loo celin doono, waxase uu tilmaamay in cafiskaas la siiyey wariyayaasha.
Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaaftirihii Axmed Cali Cige ayaa maxkamadda Gobolka M/jeex ay hore ugu xukuntay Xabsi u dhexeeya Afar sano iyo saddex sano, iyadoo intaas u raacisay Ganaax Lacageed oo gaadhaya ilaa 50-milyan oo shilin Somali ah.

Salaanmedia/Hargaysa