WAR KHARIYA:Jimciyada Alraxma Alkhayriya Oo Afur U Samaysay Dhalinyaro Qurbo Joog Ah Kuwaas Oo Jimciyada Kala Shaqeeya Hawlaha Samafalka

Hargeysa-(SM):-Jimciyada Al-RAXMA AL-KHARIYA oo ah jimciyad ka shaqyesa uu gargaarida dadka tabalaysan isla markana Bisha Barakaysan ee Ramadaan Afur iyo Casho u samaysa dadka danyarta ah,ayaa habeen kii xalay ahaa Afur ugu samaysay Hotel Imprial Dhalinyaro Qurbajoog Reer Bristol ah, dhalinyaradan oo iyagu wada shaqayn la leh Jimciyada Alraxma Al Khayriya.

 1

Dhalinyaradan Qurbo jooga ah ayaa waxay Jimciyada soo gaadhsiiyeeen lacag ay ugu tala galeen in ay kaga qayb qataan howlaha Safalka Iyo gargaarida dadka danyarta ah ee ay hayso Jimciyadu.

 2

Lacagtan oo qadar keedu dhamaa Kun iyo toddoba boqol Iyo Konton Dollar ($1750), ayaa Waxa ka gudoomay Deeqdan Gudoomiya Jimcaytul AL-Raxm AL-Khayriya Sheekh CABDALA AXMED MAXAMED, Sheekha ayaa waxaa uu uga mahad celiayay dhalinyaradan iyagu deeqda soo gaadhsiiyay, waxaanu ku hambalyeey sida ay ugu heelan yihiin sidii ay wax ugu qaban lahayeen uu gargarida dadka danyarta ee tabalaysan .

 

JIMCIYADA AL-RAXMAAL-KHAYRIYA ayaa sanadkasta afur ugu samaysa dhawr goobood oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

 

Goobahan ay Afurka ku samayso Jimciyada Alraxma Al Khayriya ayaa waxa maalin kasta afur u soo doonta dadka Masaakiinta ah, kuwaas oo si diiran u soo dhaweeyay hawshan ay Jimciyadu u hayso dadka Masaakiinta iyo danyarta ah.

Salaanmedia/Hargaysa