War-Saxaafadeed: Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo Shirweyne Caalami ah kaga qayb-galaya dalka Jamhuuriyada Czeck ee Qaarada Yurub

Hargeysa (SM)-  Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada Ururada Dhallinyarada JSL ee Heer Qaran ee SONYO, Mr. Mustafe Maxamed Daahir ayaa socdaal ku jooga dalka Jamhuuriyada Czech, ee Qaarada Yurub. Waxa uu ka qayb galayaa shirweynaha caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka ee ku saabsan horumarinta hogaamineed ee dhallinyarada oo sannadkan lagu qabanayo caasimada Jamhuuriyada Czech ee Prague. Shirku waxa uu socon doonaa 20 – 26 bishan July 2014.

Shirweynaha Dhallinyarada Adduunka ee horumarinta awoodaha hogaamineed ee dhallinyarada, oo ah shirweyne si heer sare ah loo soo abaabulay, loona agaasimay, waxa ka soo qayb galay dhallinyaro tiro badan oo ka socda dalal badan oo adduunka ah oo Jamhuuriyada Somaliland ka mid tahay. Dhammaan ka soo qayb galayaasha shirka waxa soo dhawayn iyo protocol gaar ah ku qaabishay dawlada dalka Jamhuuriyada Czech –ga oo dalkeedu martigaliyey shirweynahan caalamiga ah. Muddadii uu shirku socday waxa xusid muddan in ka qayb-galayaasha shirka fursad loo siiyey in ay la kulmaan safiirada u fadhiga Jamhuuriyada Czech dalalka kala ah Baakistaan, Maraykanka, Malaysia iyo Ciraaq.

Waxa kale oo ka qayb galayaasha Shirweynaha Dhallinyarada Adduunka ee horumarinta hogaaminta dhallinyarada Adduunku booqdeen xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyada Czech, waxaanay la kulmeen xildhibaano dhallinyaro ah iyo hogaanka baarlamaanka dalkaasi. Ujeedada booqashada ayaa ahayd in ka qayb galayaasha shirku wax ka bartaan dublomaasiyiin magac leh iyo qaabka ay u shaqayso hogaaminta dublomaasiyadeed ee togan iyo waliba sida hufan ee ay xidhibaano dhallinyaro ahi ugudan karaan hawlahooda xildhibaanimo iyo masuuliyada culus ee saaran.

Waxa dublomaasiyiinta iyo xidhibaanada kala duwan ee ay la kulmaan la wadaageen dhallinyarada Adduunka ee soo booqatay ee uu ka mid yahay Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, waayo –aragnimo xeel-dheer iyo sooyaalka hayaankii dheeraa ee ay u soo mareen kifaaxa siyaasiaga ah ee dhalay in ay kuraas noocan oo kale ah qabtaan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada SONYO, Mudane Mustafe Maxamed Daahir waxa uu sidoo kale uga faa’iidaystay kulamadan in uu xog kooban ka siiyo qadiyada JSL masuuliyiintii, Xildhibaanadii iyo Safiiradii kala duwanaa ee uu la kulmay. Waxa kale oo xusid muddan in Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada SONYO kulamada qaarkood kaga qayb galay isaga oo labisan kuna jeeni qaaran dhaqanka hodanka ah ee soo jireenka ah ee dadweynaha JSL. Taas oo muujisay sida Jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeeduba u yihiin dad leh xadaarad iyo ilbaxnimo guun ah iyo dhaqan hufan oo haga hilaadinta toolmoon, muujiya hanka iyo qabka ummadeed ee dalkan JSL leeyahay.

Dallada Ururada Dhallinyarada JSL ee Heer Qaran ee SONYO oo ay ku bahooben 54 urur dhallinyaro oo Somaliland oo dhan ah, ka daali mayso in ay ka qayb gasho shirarka dhallinyaro ee caalamiga ah si ay ugu matasho hanka, himilada iyo magaca sareeya ee dhallinyarada JSL fagaarayaal caalami ah, waxaanay u aragtaa qaan-gaadhinimo masuuliyadeed iyo xil-gudasho ummadeed oo Dalladu hormood u tahay. Guul weyn oo dublomaasiyadeed bay u tahay JSL oo ah dal curdin ah in dhallinyaradiisu ka qayb galaan shirar caalami ah, calanka JSL-na ka babado fagaarayaasha adduunku ku kulmo. Bishii March 2014 ayuun bay ahayd markii Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO kulamo kula qaatay Aqalka Cad ee Maraykanka masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Barack Obama. Guul, Gobonimo iyo Samo ha ku waarto JSL iyo dhallinyaradiisu.

Allaa Mahad Leh.

Mubarak Ismail Taani,
Guddoomiyaha Dallada Ururada Dhallinyarada JSL ee Heer Qaran ee SONYO
Hargeisa, Somaliland.

Salaanmedia/London