Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Weerarka cusub ee Al-Shabaab Kenya ku qaadeen Al-Shab

alshabab344

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar cusub oo xalay lagu qaaday, dalka Kenya gaar ahaan deeganada ku teedsan Xeebta, sida lagu daabacay Wakaalada Wararka AFP.

 

Afhayeenka Dhanka howlgalada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa usheegay Wakaalada Wararka ee AFP inay weerarkaasi ku dileen 7-ruux oo Kenyatti ah, kuwaasi oo saarnaa gaari bas ah oo ka yimid Magaalada Mombasa kuna jeeday deegaanka Lamu.

 

C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku goodiyay inay siiwadi doonaan weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, isaga oo sheegay in meel waliba ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Kenyatiga ah ee dalkaasi ku sugan.

 

Weerarkaan cusub, ayaa xalay wuxuu ka dhacay Deegaanka Witu, halkaasoo lagu dilay 5 ruux, oo 2 ka tirsan ay Booliska yihiin, halka 3-da kalana ay yihiin rakaabkii gaariga la socday. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka ilaa 8 ruux, oo 4 ka mid ah ay Boolisku ka tirsan yihiin, laakiin Al-Shabaab ayaa wadarta guud ee ay ku dileen weerarkaasi ku sheegay ilaa 7-ruux.

 

Dowladda Kenya ayaa waxaa ku socda Mowjado weeraro ah oo kaga imaanaya Xoogaga Mintidiinta ah ee Soomaaliya gudaheeda ka dagaalama, kuwaasi oo Kenya u bartilmaameedsanaya joogitaanka ciidanka dalkaasi ka socda ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo Al-Shabaab ay sheegteen masuuliyadooda, waxaana Shabaab weeraradaasi ay ku dileen kudhawaad 100 ruux.

 

Booliiska Deegaanka Witu ayaa wada weli baadigoob ku aadan dad saarnaa gaariga Baska ah oo qaarkood la sheegay inay dhanka Duurka ah u firxadeen, laakiin lama oga in dadkaasi la afduubtay iyo in kale.

Salaanmedia/Mogdisho