Warbixin…“Guusha aynu Rabno in aynu ka gaadhno arimaha dibeda waa mid u baahan dedaal ka balaadhan kii wadanka lagu xoreeyay, Halgankiina ma dhamaystirna ilaa Somaliland si buuxda loo ictiraafayo” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA

“Guusha aynu Rabno in aynu ka gaadhno arimaha dibeda waa mid u baahan dedaal ka balaadhan kii wadanka lagu xoreeyay, Halgankiina ma dhamaystirna ilaa Somaliland si buuxda loo ictiraafayo” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA.

 

 0

 

Waxaan markasta salaam qiimo badan u dirayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Salaan ka bacdi, Waxaan Wax yar ka odhanayaa Siyaasada Arimaha Dibeda ee Wadankeena Somaliland.

 

Somaliland waxa ay jirtay mido 23 sanadood ah marka laga soo bilaabo markii ay gooni isu taageeda dib ula soo noqotay sanadii 1991kii. 23kaa sanadood, maamuladii kala danbeeyay waxay ku dedaalayeen in ay Somaliland hesho ictiraaf caalami ah oo ay kaga mid noqoto beesha caalamka, hase yeeshee dedaalkaasi laguma guulaysan. Waxa ay Somaliland heshiisyo ganacsi iyo kuwo diblomaasiyadeedba la gashay wadamo dhawr ah, hase yeeshee dedaalkaasi ma noqon mid sii xoojiya qadiyada Somaliland.  

 

Siyaasada Arimaha dibedu waa meelaha ugu muhiimsan in qaran kastaa uu ku dedaalo sidii uu u yeelan lahaa siyaasad cad oo la qorsheeyay isla markaana si fiican looga baaran degay. Marka loo yimaado ta Somalilandna, waxa loo baahan yahay dedaal dheeraad ah oo aynu ku samaysano saaxiibo difaaca dana Somaliland marka loo baahdo iyo in laga midho dhaliyo dadaalka aynu ugu jirno in aynu ka mid noqono beesha Caalamka. Hadaba, Waxaan soo jeedinayaa in la sameeyo arimaha soo socda;

 

  1. In siyaasada Arimaha Debedu aanay gaar u ahayn Xisbi iyo Xukuumad toona maadaama oo aan Somaliland la aqoon sanayn, isla markaana si wada jira looga hawl galo siyaasada Arimaha dibeda.
  2. In la sameeyo Daraasad iyo Cilmi baadhis (Study & Research) iyadoo la kaashanayo aqoon yahanka Somaliland isla markaana talada sidii looga hawl geli lahaa siyaasada arimaha dibeda laga qayb geliyo dhamaan qaybaha bulshada oo aanay ku koobnaan Xisbiyo ama Xukuumad.
  3. In Sanadkiiba mar la sameeyo qiimayn iyo dib u eegis wixii inoo qabsoomay, isa markaana la xoojiyo meelaha aynu ku liidano.
  4. In laga shaqeeyo sidii caalamka looga iibin lahaa qadiyada Somaliland hadii ay noqoto in aynu kiraysano shirkado u dooda qadiyadeena (Lobby Firms) iyo hadii ay noqoto in aynu soo bandhigno wax aynu inagu caalamka ka iibino.
  5. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Reer Somaliland in Siyaasada Arimaha Dibedu aanay ahayn shay aynu ku murano balse ay tahay mid inaga wada dhaxaysa una baahan dadaal ka balaadhan kii wadankan lagu xoreeyay, muxaafid iyo mucaaridna meel looga soo wada jeesto.
  6. Xukuumadu maadaama oo ay hayso hogaankii siyaasada ee Dalka, waxa looga fadhiyaa in ay dhiiri geliso fagaare ama masrax wada tashi iyo jawi abuuraya in siyaasada arimaha dibeda isku aragti laga ahaado.

 

 

Alla Mahad Leh

 

Maxamed-nasir M Dhoore

Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA