Warsaxafadeed.. Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale oo beeninyey war saxaafada lagu Qoray in MAdaxweyne Siilaanyo Qaliin gali doono London.

image

Salaamu Caleykum wa Ramadaan mubaarak dhammaan,

Qoraal been abuur ah oo lala xidhiidhiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland

Waxa jiray qoraal facebook la soo dhigay xalay oo sheegaya inu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland mudane Maxamed Bixi Yonis bog uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay farriin ka hadlaysa caafimaadka Madaxweynaha Somaliland. Haddaba waxan mar dhoweyd la xidhiidhay Wasiirka oo aan weydiiyey arrintaas waxanu Wasiirku ii xaqiijieyey inaanay jirin wax farriin ah oo uu diray, isla markaana aanu lahayn Twitter account-ka la leeyahay waa lagu soo qoray warkan aan sal iyo raad toona lahayn.

Waa bil soone dembi dhaaf ALLA aynu ka barino.

Wa billaahi Tawfiiq,

Ali A Awale
Wakiilka Somaliland ee UK