Warsaxafadeed…Xisbiga UCID Ma Waxa uu u Adeegayaa Cadowga Somaliland?

Calanka xisbiga UCIDXisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa xalay war-saxaafadeed ay soo saareen waxay sida makasta oo kale uga hadleen dhaliilo samays ah iyo tibaaxo la buun-buuniyay oo ay ku xaqirayeen Ha’yadaha ammaanka qaranka qaabilsan oo ay ku sifeeyeen qaar shaqadoodii gabay.

War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa nin dhalinyarro ah oo sanad iyo badh wax ka yar ku jiray maamulka xisbiga oo darajadiisa ku sheegay inuu yahay ku xigeenka Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID Mustafe Sheekh Cismaan Cali. Inankaas dhalinyaradda ahi waxa uu si indho la’aan ah u ribeeyay wasaaradda Daakhiliga, Taliska ciidanka Booliska, Hoggaanka sare ee ciidanka Sirdoonka Somaliland.

Marka si guud loo eego waxa uu bayaankaas dheer ee uu soo saaray ee uu xaqiiqada iskaga indho-qabtay ku mutaysan karaa lagu soo oogo inuu faro-geliyay waajibaadka Hay’adaha ammaanka dalka, waxaanu hadalkiisu u dhadhamayay in uu ahaa sidii basaas warbixin tifaftiran u diraya Ha’yad sirdoon oo ka jirta dal kale.

Waxa uu wiilkaas ku hadlayay magaca xisbiga UCID haba yaraatee aanu soo qaadin in ammaanka dalku yahay mid taam ah oo ay xataa qireen codowga Somaliland oo jaanis iyo galdaloolo ka waayay, ka dib markii la dhiciseeyay intaas oo hawl-gal oo argagixiso oo la doonayay in dalka laga fuliyo.

Hay’adaha amniga qaabilsan iyo ciidanka Boolisku waxay ka midho dhalinta waajibaadkooda qaranka ay masuulka ugu yihiin ammin kasta iyo goor walba ay ugu jiraan heegan culus oo ay indho-dheer iyo feejigo balaadhan sidii ay shacbiga Somaliland ugu naaloon lahaayeen nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee dalkeena ka jirtay 23-kii sannadood ee Soomaaliyada inala jaarka ah halaagyadda iyo mashaqooyinka nabad-gelyo darro ka jireen.

War-saxaafadeedka lagu shaambadeeyay magaca xisbiga UCID waxa uu iskugu jiray been abuur iyo hadal-tiradii suuqa oo la ururiyay, kumanay fadhiyin daraasad iyo baadhis qoto-dheer oo ay ahayd in xisbigu sameeyo marka uu Ciidamada dalkiisa u jeedinayo eedo culus oo noocan oo kale ah. “Xisbiga UCID markuu si qoto dheer ugu kuurgalay Xaaladda Amni ee Dalka, waxa noo caddaaytay in Sumcad xumida nabadgelyo ee Dalka ku habsatay ay mas’uul ka yihiin Madax katirsan Hay’adaha Qaranka ugu sareeya Qaarkood oo aan illaa hadda la fahmin cidda ka dambaysa,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi lagu xajiimaynayay ciidammadda nabad-gelyadda dalka.

Waxaanu ka marag kacaynaa in ciidamadda nabadgelyadda oo kaashanaya shacbigooda nabadgelyadda jecel ay ku filan yihiin sugida nabadgelyadda dalka, isla markaana ay leeyihiin feejignidii iyo kartidii ciidanimo ee looga baahnaa. Waxaan jecel nahay inaan xisbiga UCID iyo qayrkiiba xusuusino inaan aflagaadeynta Ha’yadaha amniga aan lagu kasban Karin codka shacabka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay goobaha bar-kulanka bulshadda ku faaqidayay war-saxaafadeedka xisbiga UCID ku naqdiyeen Hay’adaha ammaanka dalka, waxaanay ku sifeeyeen qoraalkaas inuu ahaa mid aan laga fiirsan oo ay ka buuxday tibaaxo badan oo aan wadin xogo rasmi ah iyo baadhitaan midna. Waxa dadka sidaasi aaminsanaa ay qabeen in dastuurka dalku uu xarimayo inaan arrimaha nabad-gelyadda iyo ciidammadda la ogolayn in sidaas loogu sii tallax-tago.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxa xisbiga saddexaad ee dalka looga fadhiyaa inuu dib u qiimeeyo dulucdii war-murtiyeedkoodii uu u muuqda inuu ahaa mid si dadban ugu qabaanaya cadowga Somaliland isla markaana ay ka muuqatay lexjeclo xumo iyo abaal-ka dhac badan oo ka dhan ah ciidammadda nabad-gelyadda Somaliland oo qarankan ka mudan ammaan iyo in loogu mahad naqo juhdiga ay ugu jiraan adkaynta ammaanka dalkooda.

Salaanmedia/Hargaysa

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN