Warsaxafadeed:Tix Murtiyeed Qotodheer,by Abdilahi Hassan Matan

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Bismilaahi raxmaani raxiim,Asalaamu caleykum,Rabadaan kariim.

Warsaxafadeed:
Mugdi kuma jiro in nadaamkii dowliga ahaa ee ka hana qaaday Somaliland in uu faraha ka baxay oo xataa waxa lumay xitiraamki bil aadanimo oo waynagaa aragna bishii barakaysnayd ee Rabadaan in been iyo laqwi joogta ah hawada loo soo marinaayo shacabkii reer Somaliland ee doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

iyana waxaan shiki ku jirin in Dalkii dib ugu noqday xaalad qabyaaladeed oo horleh oo mawjado qalafsan wadata una baahan sidii looga bad baadi lahaa bur bur iyo waxa Muqdisho ka taagan oo inala kowsada.

Hadaba aniga oo taa ka duulaya isla markaana hujinaya ujeedada lexejeclo ee aan ka leeyahay Dadkayga iyo Dalkayga waxaan doorbidayaa inta aan fari togdheer inala xulin in aan ku soo gudbiyo Tix Murtiyeed qotodheer.
  
Ifa faalahan muuqda
Amakaagiyo yaab kan
amuuraa is qar dhaafay
Waxan oog la shidaayo

Asaraarkan xad goostay
Inuu aad yar damaayo
Ruuxa aaminsanoow
Faaladaanad aqoone

Waa ayaamo madow
Waa dariiqi iblayska
Cidii uu ambinaayo
Ku asqayn jiray beenta

Ayaa kaaba raseeya
Ayaa kaa arin roon
Ayaa kaa liqi maanta
Ayaa kaa celin duulkan
Ayaa kaaba qabiilsan oo
Ku ag joogsan karaaya

Mar hadii arkinkaasi
Isu soo ulo duulka
Waysu soo urayaanoo
Ilaa iilka la geeyo oo
Xabaalaa lagu aaso

Aabahood curadkiisa
Hooyadood odeygeeda
Eeda dood inan keeda
Abtigood ubadkiisa
Oori doodu baroorta
walaalkeed arkiwaydo
&&
reerahaa is abaaray
dagaalkaa ka aloosmay
Inuu aadyar damaayo
Haka yaabib arboow

Ugaankaa baxay maanta
Hadaan lays amrin khayrka
Awey baa dhicidoonta
Ifka kii u wacnaa
Inta uu ka huleelo
laysna aamini waayi

Abwaan baan ay ildheeroo
Wuxu maanta arkaayo
Ayaan loo noqon doono
Lana aaminidoono ruuxa sheega midkayga

Asaraar male diintu
Xaquna waa iftinkaa
Ildab duulka yaqaana
Aadmigaa ku arkaaya
Kuwuu uurku bokoodana
Ilaah baa ku og tooda

Allaa Mahadle
Abdilahi H Matan
togdheer2000@hotmail.com