Wasiir Cukuse caqli uuma kordho ee talow ma soo jeedka badan baa By Abdi Mustafe

MAQAAL

Wasiirka warfaafinta cukuse ilaa markuu yaraa ilaa maanta caqli uuma kordhin. Wuxuu shicibka ka dhaadhicinayaa in mudo korodhsiga Silaanyo ku xidhanyay komissionka doora shooyinka.

Horta wasiir na waad tahay shuruucda dalka u taalna war uuma heysid ee mudo korodhsiga Silaanyo waxa u haya inaadeer kii Suleiman gaal. Shicibkuna indhaha ayay ku hayaan bal in Suleiman gaal ku dhaco innuu inaadeer kii u kordhiyo si loogu kala yaaco meesha.

Taana waxaba ka soo horeysa Silaanyo iyo Suleiman gaal maanta labaduba London bay caafimaad daro darteed u joogaan oo dhakhaatir bay arkaan. Horta isagu Suleiman gaal marka horeba London buu ku noolyay ee marka Silaanyo badu ku kacdo uun buu soo cararaa. Labadaba gabow iyo xanuuno ayaa isugu darsamay oo ilaahay mooyee aan cidi ka baajin karayn.

Hadaba Cukuse oo habeen walba 7 da galab nimo la fadhiya Silaanyo in uu dadka majara habaabi is yidhaa waa u caqli xumo. Hadii Suleiman gaal isku dayo in uu mudo kordhin u sameeyo inaadeer kii Silaanyo waa hubaal in taageera yaasha Waddani iyo Ucid mudahaarado dalka gilgila ay samayn doonaan oo talo fara ka haadi. Shuruudo ayuu leeyay mudo kordhisku tiina ma muuqato. Mid se waa la ogyay in aan Silaanyo dalka dan ka lahayn haduu bur-buro iyo hadii kale. Xisbiga Kulmiyena Silaanyo uugama tala gelin in uu isaga ka danbeeyo taasi waa hadii uu sii caafimaad qabo oo iminka aad looga deyrinayo sixadiisa. Cukuse oo soo jeed dilay in uu kolba danaaniyo oo xisbiyada wax ka sheegaa waa u caqli xumo.

abdi_mustafe123@yahoo.ca