Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Shaaciyay In Madaxweyne Siilaanyo Galayo Qaliin Shacabkana Ugu Baaqay Inay Usoo Duceeyaan

image

July 14, 2014 Hargeysa(SM) – Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dhawaaqay in uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo ku dhawaaqay uu gali doono qaliin, wasiirka oo baraha uu ku leeyahay face boo-ga iyo twitter kaqoraal kooban ku baayiyey ayaa ku sheegay in uu qaliin galayo madaxwaynuhu isla markaana ugu baaqay bulshada somaliland in ay u soo duceeyaan.
Wasiirka Khaarajigu maa uu faah faahinnooca xanuunka haya iyo halka laga qalayo balse waxa ay ku soo beegmaysaa xili uu shalay dalka ka dhoofay madaxwaynuhu isagoo ku sii jeeda dalka ingiriiska,halkaasi oo ay wararku sheegayaan baryahanba in uu xaalad caafimaad ugu baxayeyo oo uu gali doono cusbitaal ku yaala galbeedka magalada London.
Hoos ka Akhriso warka uu wasiirku ku baahiyey faceboog-a iyo twitterka.
Qoraalkaas Oo Ahaa Mid Kooban Ayaa U Dhignaa Sidan:
…Ramadan Karim dhamaan shacabka somaliland , waa inaynu usoo ducaynaa madaxwaynaha qaranka oo geli doona qalliin caafimaad.>…
waa markii ugu horaysay ee uu qiro wasiir ka tirsan xukuumadda madaxwayne silanyo in uu jiro xaalado caafimaad daro oo soo wajahday madaxwayne silanyo iyo in uu galayo cusbitaal iyada oo ay inta badan madaxtooyadu qarin jirtay warka la xidhiidha xaaladaha caafimaad ee madaxwayne silanyo balse intooda badan banaanka u soo baxay.

Salaanmedia/Hargaysa