Wasiirki Hore Arimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Xidhiidka Ka Dhexeeye MUUSE BIIXI Iyo Arimo Kale

Daawo Muqaal“DekadduWaxay u Baahan Tahay Horumar & Inay Noqoto Marin Ganacsi” Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

Hargeysa(SM)Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay sida uu arko digniinaha amni ee uu Ingiriisku kaga dardaar weriyo amniga Somaliland, isagoo sheegay inay Somaliland tahay wadan amni ah, waxaanu ku taliyay in xidhiidh toos ah lala sameeyo dawladda Ingiriiska.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka ay Itoobiya iyo Djibouti la leeyihiin Somaliland.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidamada Somaliland u sameeynayso ilaalinta goobaha Shidaalka laga baadhayo ee ay Beesha Caalamku dareenka walaaca leh ka muujisay.Wuxuu arrimahan Dr. Maxamed kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu Geeska Afrika su’aalay digniinaha amni ee Ingiriiska, waxaanu yidhi “Dawladda Ingiriisku waa markii labaad ee ay ku celisay digniinta uu Muwaadiniintiisa u safraya Gobolada ama Dalalka Geeska Afrika uga digayo inay tagaan, iyada oo Somaliland ku jirto Wadamadaas, waana markii labaad ee uu ku celiyo, inta badan Ingiriisku digniin ayuu ka bixiyaa, oo Dadkiisa uu uga digaya meelaha khatarta ah, ama khatari ku soo fool leedahay, Somaliland waxa ay ku dhex taala Mandaqad dhibaatooyin badan iyo amaan daro ka jiraan, balse waxa run ah in Wadanka Somaliland yahay Wadan la isku lahayn karo , oo amaankiisu buuxo,wax amaan daro ahina aanu ku jirin, isla markaana ay dadkiisu yihiin dad soo jeeda oo feejigan oo cid wax yeelo ka dhex wadda aan yeelayn, sida aynu wada ognahayna Ingiriisku waa Dawladdaha xidhiidhka wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland, markaas waxa qurux badan oo aan soo jeedin lahaa waa in laga dhaadhiciyo Ingiriiska in Somaliland amaan tahay, oo la isku lahayn karo, wax dhib ah ama xasilooni daro ahi aanu ka jirin”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar mar uu ka hadlay Xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya Somaliland la leedahay oo dhawaan xidhnaa, wuxuu yidhi “Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya waa Dawladdo aynu jaar nahay, waa Dawladdo aanu walaalo nahay, oo xidhiidh wanaagsani inaga dhexeeyo, Madaxweynuhuna waa kii la kulmay Madaxda Dawaldda Itoobiya, waxaana hubaal ah in Itoobiya xidhiidh dheer oo soo jireen ahi ka dhexeeyo Somaliland, in la ilaaliyo amaanka Saddexda Dal iyo xidhiidhkooda waa mid muhiim ah”.

Wasiirka hore ee Arrimaha dibada waxa la su’aalay ciidanka ay dawladda Somaliland u samaynayso ilaalinta shirkadaha shidaalka baadhaya oo ay Qaramada Midoobay walaac ka muujisay, waxaanu yidhi “Ciidamada Somaliland, u tababarayso isla markaana u sameeynayso ilaalinta goobaha Shidaalka laga baadhayo, ee Adduunkii shakiga ku abuuray, ee la moodayo inay yihiin Ciidan Calooshada u shaqaystayaal ah, oo amaanka Mandaqada khatar ku ah, ayaa waxa aan soo jeedin lahaa in Ciidankani yahay Ciidan reer Somaliland ah, oo Kharash iyo Lacag badani ku baxayso, in Adduunka shakiga laga saaro, oo loo caddeeyo halka ay ka yimaadeen Ciidamadani, taas ayaana muhiim ah”

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa la weydiiyay sida uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, oo taageeradii uu u muujiyay darteed uu ku waayay kursigiisii wasiirnimo, waxaanu yidhi “Anigu waxa aan ku jira Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi-na waanu ku wada jirnaa Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe, waa Guddoomiyahaygii, xidhiidh ayaa naga dhexeeya, Asxaab ayaanu nahay, Saaxiibo isku dhaw ayaanu nahay, si shakhsiyana Saaxiibo ayaanu u nahay”.
Source GEESKA