Xarumo ay ka hawl gali jireen Shirkada Xawaaladaha Dahabshiil oo la xidhay Gobolka Jubada Dhaxe ee Soomaaliya iyo Faah faahin laga helayo Sababta loo xidhay.

dahabshiil1

Xarakada Al-Shabaab ayaa amartay in la xidho Xarumo ay Shirkada Xawaaladaha Dahabshiil ku lahayd Degmooyin kuyaala Gobolka Jubada Dhaxe ee Soomaaliya.

Waxaa Maalintii labaad xidhan Xarumihii Shirkada Xawaaladaha Dahabshiil ku lahayd Degmooyinka Bu’aale, Saakow, Salagle, Jilib iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe .

Wararka laga helaayo ayaa sheegaya in xidhitaanka Xafiisyadii Dahabshiil ee Gobolka Jubada Dhaxe uu amray Gudoomiyaha Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolada Jubooyinka Shiikh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Shirkada Dahabshiil ayaa loo haystaa in ay bixin wayeen lacago sako ah oo markii hore ay bixin jirtay , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Shirkada Dahabshiil iyo Saraakiisha Al-Shabaab ee Gobolka Jubada Dhaxe.

Salaanmedia/Mogdisho

info@salaanmedia.com