Xil-suge waa maxay … Morgan na xil kuu hayaa muxuu yahay by Abdi Mustafe

MAQAAL
Xukuumadan Silaanyo mid ka kharibani ina may soo marin. Nin wal oo xil laga qaaday ba waxa laga baqay in uu xisbi mucaarada ku biiro oo waxa loo daayay in mushahar kiisi u socdo haduu wasiir ahaa iyo haduu agaasime ahaaba. Hadaba xukuumadu wey dhoohantay ee waxaanay ogayan mid wal oo xil-sugayaasha ka midi ba in uu hoosta kaga biiray xisbiyada mucaarad ka ah welina lacagtii wasiir nimada qaataan. Dowladani hantidii ummada waxay ku bixisay odayaal weji ku maxaash ah iyo xil-sugayaal iyo dacaayada rakhiisa.
Wiilka dalka xukuma ee Silaanyo Sodoga u yahay horta anigu garan maayo halkuu ku noolaan marka dowladani dhacdo sabab too ah ummadii oo dhan baa nacday oo hadhow kuma dhex noolaan karo. Hadaba isaga iyo Silaanyo keebaa ka kale wax yeelay. Ma Morgan baa qoyska ceeb u soo jiiday mise qoyska ayaa nolosha danbe ka kaharibay Morgan. Silaanyo in uu madaxweyna macangag ah yahay cid kasta oo ka qeylisa Morgan dheg uuma dhigo. Silaanyo laftiisa ayaan sharaf badan lahayn oon waxba isku falayn dhega adayg buu tala aduun ka yaqaan. Marwadiisuna mid naxdaba maaha isku wada dar oo waa Mafia dadkani aan maanta mooyaane beri iyo aakhiro toona dan ka lahayn. Kolay anigu waxaan qoyska Silaanyo ku nacay ummada ayaanay ka xishoon oo wax wal oo dadku aannu raali ka ahayn ba wey sameeyaan. Hadaba ha loogu dhaarto in ay dhoqso u tegayaan oo aanay ku sii raagayn madaxtooyada dabeed na i qariyaaaaaaay ba u danbayn,