Xildhibaan Bukhaari iyo Xildhibaan Nacnacle Silaanyo wey u kala dheereeyeen

MAQAAL
Xildhibaan Bukhaari waxay isku mid ahaan jireen Xildhibaan Nacnacle oo laba guulwade ayay Silaanyo u ahaayeen. Hase yeeshee Bukhaari waxa Silaanyo kaga shakiyay in uu dhinaca Waddani u jen-jeedho dabeed Kulmiye dibada ayaa looga tuuray oo wax ixtiraam ah kuma qabo.
Markuu u yimi reer Waddani na weyba goo goyn-gaadheen iyagoo ka baqaya inuu xisbigooda sumcad xumo u soo jiido oo ha noo soo dhawaan bay ku yidhaahdeen. Bukhaari oo ah nin aad u liita oo meeqaam hoose ka jooga bulshada ayaa doonaya in uu been uu sameystay Kulmiye tiqad kaga helo isagoo hal doorka Waddani warbaahinta hadalo u soo mariyay.
Xildhibaan nacnacle isagu waa registered guulwade oo marwal oo silaanyo meel ka hadlayana waa qoorta halka danbe ka muuqata ee dadkaba uugu wada danbaysa oo nacnacle isaga iyo qoys kiisuba Silaanyo iyo Amina Weris bay kaba leefyo u yihiin.
Weliba waxba kuma aha xildhibaan nacnacle in uu is del-delo ama is gubo haduu Silaanyo dhinto. Sabab too ah nafta Silaanyo ayuu nacnacle ka jecelyay naftiisa.
Bukhaari iyo Nacnacle ummada waxay xasuusiyaan waagii faqashtii guul wadayaashii joogi jiray. Labaduba waa niman tamar yar oon naftooda ku kal soonayn oo risiq ku doona cid ay basaasaan oo ay wax ka sheegaan.
by Abdi mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.ca