Xildhibaan Bukhaari oo Al-shabaab ka tirsani in uu Somaliland joogaa waa xaaraan by Abdi Mustafe

bukhaari (1)
Waxa biyo kama dhib caan ah in Bukhaari mudo aad u dheer uu gacan saar la lahaa ururka Al-shabaab oo uu ka tirsanyay colka lagu magacaabo gunti-gaab yada ee xukuumada Silaanyo ku jira. Bukhaari Waxay ahayd in beri hore  loo sheego SIS …. Secret Inteligence service ka ingiriiska ee loo yaqaano ( M16 ).
Shaki kuma jiro inay magaciisa hayaan isaga iyo wasiiro badan oo xukuumada jira. Weliba haduu Bukhaari beenta uu caadeystay joojin waayo ee uu ururada mucaaradka ah la daba ciiro aad bay u hawl yartay in magaciisa loo gudbiyo qoladaa ogaadh sata wixii argagixso ku shuqule. Bukhaari haduu is leeyay lagaama warhayo waxa laga mam nuuci karaa in aannu dub uugu noqon carada ingiriiska oo aannu Heathrow Airport dub uuga degen.
Bukhaari oo Silaanyo iyo Kulmiye iska fogeeyeen markay arkayn in aannu raga nimo lahayn ayaa isku dayey in uu Waddani soo galo dabeed albaabka in uu ka soo galo waa loo diiday.
Dabeedna wuxuu bilaabay in uu calaacal la hor tago war baahinta. Bukhaari ha ogaado in laga cilmi iyo aqoon badan yay oo hadii siduu u dhaqmayo loola dhaqmo aan cago dhul loo marinayn. Laba daraale waxa Bukhaari la ciyay wuxuu arkaa in Waddani ku guuleysanayo doorashada 2015 oo hadhow marka goalaha wakiilada waqtigoodu dhamaadana aan cidi dub u dooranayn oo uu is arki doono isagoo cidla taagan oo haduu juuq yidhaa na uu jailka Mandheera liinta ku cabi doono. Bukhaari waxaan leeyay iska soo mar waa kuu mubaax marin kaad doon taaye …. dabeed na hadhow bal aynnu eegna ninka aakhiro loo diro e.