Xisbiga UCID Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay In Uu Wax Ka Badal Ku Sameeyo Laamaha Amniga Dalka

ucidJuly 17, 2014 Hargeysa(SM)–Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka bedal ku sameeyo laamaha ha’yaddaha aminga dalka si wax looga qabto amni-darrada soo badanaysa maalin-ba maalinta ka danbaysa, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay ku-Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbig

“Tan iyo intii uu jiray taliska Madaxweyne Axmed Silaanyo, waxa isa soo tarayey xaalad amni-xumo oo lid ku ah qarannimada, dowladnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland oo aan weli ka helin Ictiraaf buuxa beesha caalamka. Xisbiga UCID markuu si qoto dheer ugu kuurgalay xaaladda amni ee dalka, waxa noo caddaatay in sumcad xumida nabadgelyo ee dalka ku habsatay ay masuul ka yihiin Madax katirsan ha’yaddaha qaranka ugu sareeya qaarkood oo aan ilaa hadda la fahmin cidda ka dambaysa. Xisbiga UCID waxa kale uu baadhitaan dheer kaddib ogaaday in laamaha kuwa ugu muhimsan Qarankan aanay u shaqayn sidii loo baahnaa, Madaxda loo igmaday awgeed, kuwaas oo aan lahayn khibradii iyo waayo aragnimadii lagu agaasimi lahaa hawlaha nabadgelyo ee dalka.

Magacaabista ha’yaddaha amnigu waa xasaasi marka loo eego uwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada, waana arrin u baahan dhugmo dheeraad ah oo ay lagama maarmaan tahay in lala tashado Xeel dheeryaaasha iyo saraakiishii waayo aragga u lahayd. Diifta iyo basaasta innaga haysata Madaxda laamaha Nabadgelyo ee dalku waxay si toos ah uga muuqataa guud ahaan hayaddaha amni ee Qaranka siiba Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay maamulayaan dad aan u qalmin. Waxa intaa dheer oo Xisbiga UCID aad uga soo horjeedaa qaabka Wasaaradda Arrimaha Guduhu u shaqayso, iyadoo ay muuqato jaho-wareer habka kala agaasinka Shaqada ee laamaha nabadgelyada. Nabadgelyo xumida isa sii taraysa awgeed, waxa shacbigu kala saari la yahay cidda ka masuulka ah faldambiyeedyada ka dhaca caasimadda gudaheeda iyo gobolladaba. Waxa kale oo Wasaaradda jooga agaasimeyaal aan khibrad u lahayn inta badan Shaqada ay hayaan, keliya waxa ugu badan ee wasaaradda la urursadaa waa mushaharooyinka culus ee laga urursado ha’yaddaha caalamiga ee innaga gargaara arrimaha nabadgelyada sida UNDP, USAID, EU iwm. Xisbiga UCID waxa kale oo u ka dayrinayaa 13-ka Guddoomiye Gobol iyo ku-xigeennadooda oo aan badankoodu lahayn waaayo aragnimo siyaasadeed iyo mid nabadgelyo toona, Inta badan waa rag aan waayo arag u ahayn xallinta Khilaafaadka iyo maareynta iska horimaadka Siyaasadeed iyo kan hubaysan ee ka dhex dhaca beelaha oo soo noqnoqda dad badanina sannad walba innagaga dhintaan, Kuwaasoo aan xataa lahayn fahmad dhaqami ah oo ay kula shaqayn karaan Madaxda dhaqan ka beelaha.

1-Dejinta iyo dibu eegista istaajiyada qaranka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, si loo helo qaab dhismeed sax ku ah siyaasadda amni ee dalka.

2-Sixitaanka habka kala agaasinka shaqo ee ha’yaddaha nabadsugidda, Maamulka gobollada, madaxda golayaasha deegaanka, si loo yareeyo amaarada is burinaaya oo mararka qaarkood sababa in madaxda laamaha dowladdu ku lug yeeshaan faldambiyeedyo dhaca.

3-In dawladdu yarayso fara gelinta qaab dhismeedka beelaha, joojisana Magacaabista iyo Gunnaynta Madax dhaqameedyada aan beeluhu ka tashan ee dusha laga keeno.

4-In xukuamaddu ururiso Khubaradii nabadsugidda, gaashaandhigga iyo hawlaha booliisnimada, Lagana talo-geliyo Xulista iyo la socodka hawlaha Amniga. si aan uga badbaadno dhaliilaha beesha Caalamka ee qiimaysa arrimaha Amniga.

5- In Madaxweynuhu dib uga fiirsado madaxda Wasaaradda arrimaha gudaha, kuwa sirdoonka iyo kuwa xasaasiga ee qaran, heer Gobol iyo Degmo-ba.

6-In Madaxweynuhu Ka fiirsado Wasiirada kale ee Carqaladda iyo faragelinta ku haya arrimaha amniga ee adiga kaa libta haysta, isla markaana bahdilka ku haya madaxda wasaaradaha kale iyo shaqaalaha qaranka.

Salaanmedia/ Hargaysa