XISBIGA WADDANI UK OO SOO DHAWAYIN BALAADHAN UU SAMEEYAY KHADIIJA XAJI BANDARE OO KA MIDA GUDIGA SARE EE XISBIGA WADDANI

XISBIGA WADDANI UK OO SOO DHAWAYIN BALAADHAN UU SAMEEYAY KHADIIJA XAJI BANDARE OO KA MIDA GUDIGA SARE EE XISBIGA WADDANI
 
 3
xalay oo bishu ahaayid 21/07/14 ayaa waxa soo dhawayiin balaadhan loogu  sameeyay magalada London hotelka Nomad  Khadiija Xaaji Bandare , xafladaas oo ay goob joog ka ahayeen gudiida sare ee Uk iyo lamaha UK ee xisbiga Waddani, waxaa xafladaas furay gudoomiya labaad ee xisbiga Waddani UK mudane keenadiid waxa uu ku dheraday sida ay muhim uu tahay in lagu dadaalo sidi xisbiga Waddani uu u hanan laha dorashada soo socota ee 2015, waxa iyaguna hadalo gagaaban ka jeediyay gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Waddani Uk  Saynab ismaaciil Qurjuf iyo  labada gudoomiye ee lamaha South east London iyo North London, Ali Warsame iyo Mahamoud Saciid, waxaayina  gobta farimo culus ugu  direen  umada somaliland xubnihii mesha isugu yimi iyo marti sharaftii kaleba  in aay ku soo biraan xisbiga Waddani oo isagu marwalba uu taagan cadaalada iyo horumarka jamhuuriyada somaliland.
 
waxa warbixin dheer gobta ka jeedisay Khadija xaaji Bandare oo ku amaantay xisbiga Waddani Uk shaqada iyo howsha culus ee ay ka wadaan dalkan Uk, warbixina ka bixisay Somaliland iyado ka diyirisay halka uu dalku maraayo hatan oo ay ku tilmaantay in uu u bahan yahay bad baado qaran, dhinackasta marka laga eego waxay Khadiji shegtay in manta loo baahanyahay in loo kaco oo xisbiga Waddani uu yahay ka kaliyi ee manta ku haboon una muqda mid kasbaday shacabka reer Somaliland.
 
 
Gabgabadii xaflada soo dhawaayinta waxa soo khatimay Gudoomiya xisbiga Waddani UK Xuseen Aadan  Cade oo isuguna uu mahad naqay dhamaan xubni iyo marti sharraftii ka soo qayib gashay xaflada, Xuseen waxaa uu ka warbixiyay wixii uu qabsomay intii uu xilka hayay iyo waxa hor yaala. waxaa uu gudoomiyu ku booriyay in tageerayaasha xisbiga Waddani Uk aay ka qayib qaataan sidi xisbigu uu noqon lahaa mid ku guulayiista doorashada soo socota.
 
 
Afhayeenka iyo Diiwaangelyiha Xisbiga Waddani UK
Khalid Ahmed Osman
2 1