Xukuumadda Somaliland Oo Ku Adkaysatay Sii Socdka Wadahadalka Soomaaliya Ee Asxaabta Mucaaridku Ku Baaqeen In La Joojiyo

biixiJuly 20, 2014 Hargeysa(SM) – Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo sheegay in aanay dawlad ahaan jeclayn in wadahadalka Soomaaliya joogsado

“Wadahadaladii Soomaaliya wax alaale iyo wax ay innagu soo kordhiyeen ma jiraan, qadiyadii Somaliland-na waa ay dhaawaceen, dawladana waxaad moodaa inay si indha la’aan ah ku socoto” Jamaal Cali Xuseen

“Annagu dawlad ahaan waxaannu aaminsanahay in masuuliyadda wadahadalladu ay saaran tahay dawladda Somaliland, dabcan waanu dhegaysanaa arrimaha…” Wasiirka arrimaha dibada

Maxamedbiixi
Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysatay sii wadida wadahadalka kala dhexeeya Soomaaliya kadib markii labada xisbi mucaarad ee dalku ku baaqeen in gebi ahaanba la joojiyo, maadaama xukuumadda Muqdisho ka baxday qodobo ka mid ah kuwii hore loogu heshiiyey.

Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa hore isugu raacay in dawladda Somaliland gabi ahaanba joojiso wadahadalka ay kula jirto Soomaliya, arrintaasoo ay tilmaameen in dhaawac ka soo gaadhay qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

mucaaradka.

“Wadahadaladii Soomaaliya wax alaale iyo wax ay innagu soo kordhiyeen ma jiraan, qadiyadii Somaliland-na waa ay dhaawaceen, dawladana waxaad moodaa inay si indha la’aan ah ku socoto, meesha ay ku socotana garan mayno, waxaannu annagu taas ku raasanahay baaqii ay soo jeediyeen xisbiga WADDANI ee ahaa wadahadlada Soomaaliya in gabi ahaaba la joojiyo, dalkuna isugu yimaad dejinta siyaasad cusub oo arrimaha dibada ah.” Sidaas waxa yidhi Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo saxaafadda u warramay labada toddobaad ka hore, kaasoo sheegay inay arrintaas isku mawqif ka yihiin xisbiga kale ee WADDANI.

Hasayeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo safar uu ku tagay dalka Itoobiya ka soo laabtay shalay, ayaa saxaafadda u sheegay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay sii wadaan wadahadalka Soomaaliya oo ay u arkaan iyagu masuul ka yihiin, isla markaana ay tixgelinayaan aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland uga yimaada.

“Annagu dawlad ahaan waxaannu aaminsanahay in masuuliyadda wadahadalladu ay saaran tahay dawladda Somaliland, dabcan waanu dhegaysanaa arrimaha ka yimaada golayaasha, shacabka, jaraa’idka iyo dadka kale ee Somaliland dhammaantood.

Khilaaf wuu dhici karaa, waxyaabo aannu ku heshiinay ayaa laga yaabaa in aanay fulin, laakiin macnaheedu maaha in wadahadallada la joojiyo, annagu wadahadallada in la wado ayaanu doonaynaa, weliba in la sii wado ayaanu doonaynaa oo dawlado kalena ka soo qaybgalaan oo labadayada waddan oo siman oo walaalo ah wadahadlayaan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay dalka Itoobiya oo uu kaga hadhay wefti Madaxweyne Siilaanyo dibadda ugu baxay oo toddobaadkii hore halkaasi tagay.

Wasiir Biixi waxa uu ku hanjabay in Somaliland ka hawgalayso sidii ay uga shaqayn lahayn cawaaqib-xumo Soomaaliya ka soo gaadha haddii ay fulinwaayaan heshiisyadii hore loo gaadhay, waxaannu yidhi, “Wixii aannu hore ugu heshiinay ee ay fulinwaayeena ama haddii ay ka baxaan aannu galno dedaalkeeda shaqadaanu ka qabanayno iyo cawaaqibka ay leedahay aannu ka hawlgalno.

Haseyeeshee, macnaheedu maaha in wadahadalladu halkaasi ku joogsadaan, wadahadalladu way soconayaan, waanuna kala hadlaynaa arrinkaa. Waxaannu qabnaa in wadahadalladu sii socdaan oo caalamku ina dhexgalo oo Turkiga iyo dawlado kaleba ay ka soo qaybgalaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Salaanmedia/Hargaysa