Yahuuda oo diiday in lagu tukado Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, intaas ka dib Maxaa dhacay(Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Ciidamada Yahuuda ee dalka Israiil ayaa weli ku soo qul qulaya Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaala magaalada Jerusalem . Ciidamadaan oo aad u hubeeysan waxeey diideen in lagu Tukado Masjidka weyn ee Al-Aqsa kuwaas oo sharci cusub oo ay soo rogeen ku sheegay in gudaha Masjidkaas loo ogol yahay kaliyah raga ka weyn 50-sano jirka.

Shacab badan oo reer Falastiin ah kana carooday dhaqan xumada askarta Yahuuda ayaa waxeey bilaabeen inay si toos ah Salaadaha ugu hor tukadaan Masjidka weyn ee Al-Aqsa kuwaas oo wax cabsi ah ka qabin ciidamada Yahuuda ee isbaarada dhigtay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa hortiisa.