Aayatiinka Cirro Iyo Tamar Daradda Silaanyo By Mukhtar Cilmi

Aayatiinka Cirro Iyo Tamar Daradda Silaanyo By Mukhtar Cilmi

ciro-wadani

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Cadceed.com

Falaqaynta maanta aan rabo in ku kala falaqeeyo labadda xisbi ee ugu hadal haynta badan ee kala ah xisbiga dayacsan ee burbursan Kulmiye Iyo Xisbiga shacabweynaha Waddani , xisbiga taladda haya ee Kulmiye waa xisbi ilaa iyo hada xaalkiisu yahay xisbi nin keliya u xidhan ( Silaanyo ) oo aay adag tahay in jagadda madaxnimada xisbiga Kulmiye lagula tartami karo, taasna way idin cadaatay marke khilaafki u dhexeyay siilanyo iyo muuse biixi iyo doorki saleeban oo ka ciyaaray khilaafkaas, halka uu muujiyay xibiga Waddani mucaaridnimo iyo dhultus balaadhan mar walba, waxana logo u qancsan yahay in uu Waddani yahay xisbiga keliya ee hanan kara taladda dalka mustaqbalkana umadda ku hagi kara cadaaladd caqiibo loo aayana umadda usoo hooyn kara .

Waa laga dhex arki karaa xisbiga Kulmiye siyaasiin waayeel ah oo fara ku tiris ah balse waxa adkaatay sidii aay dadka wax uga iibin lahaayeen iyadda oo ay maanta magac dheeratay xukuumaddan kulmiye musuqmaasaqa oo shay caadi ah u noqday, xisbiga Kulmiye waxa uu marnaba suuragelin kari waayay inuu muujiyo wax horumar ah oo uu meelnaba ka bidhaansho oo umaddu ka faa’iidaysato ha ahaato dhinaca siyaasadda debadda, tan gudaha iyo dhismaha dalka laftigiisa tan iyo intii madweyne Silaanyo kursiga madaxtooyadda ku fadhiistay.

Waxba la’aantaas oo aay dheertahay maamul xumadda wadanka ka jirtaa waxa aay shacab weynahehii doortay kulmiye in ay taageeradoodii kala soo noqdaan xisbiga Kulmiye, waxaana dadku indhaha ku hayaan xisbiga Waddani oo muujiyay in uu yahay ka badbaadin kara Somaliland ee u horseedi kara aayatiin la anfacaadsado isla markaasna shacabweynaha niyad jabku ku habsaday uso celin karo rajo fiican kuna beeri kara jacaylka dalkoodda hooyo ee Somaliland, somalilandna maanta waxay u baahan taahy waji cusub u siyaasdeed badala aragtiida dawladdaha ku aadan somaliland kaasna hagi laha siyaasaddaas waa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee musharaxa ah 2015 Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabilaahi Cirro.

Hogaamiye Cabdiraxmaan Cirro waxa loo qirayaa shacabkuna rumaysan yahay in uu gooni isu taaga Somaliland si ba’an ugu dagaal geli doono maadaama uu ka mid yahay unugyada mar walba u dagaalama qadiyadeeda halka madaxweyne Silaanyo uu ku gadaamanyahay shaki badan oo ka dhasahay falal intii uu madaweynaha ahaa uu ku kacay kuligoodna biya shubkoodda umaddu u aragtay in aay boqonta heerayaan hamiga bulshadda Somaliland iyo helitaanka aqoonsi caalami ah , waatan maanta umaddeena loo arko argagaxiiso oo faraha laga qaadanayo marka ay u dhoofayaan itoobiya !!.

Dhamaan amuurahan tamar daradda xisbiga Kulmiye ka dhashay oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii fogaynaya taageeryaashiisa haatana u muuqdda kuwo aanu haba yaraatee xisbiga kulmiye hankeedaba lahayn in uu wax ka qabto waxa aay keeneen dareenka ah in umaddu isbedel dalka ka dhaca jeclaysanayso 2015, isbedelkaas oo dadku u hanqal taagayaan in xisbiga Waddani hor kaco si dimuqraaddi ahna taladda wadanka ugala wareego xisbiga Kulmiye oo ku fashilay taladii dalka, marka aan ku xisaabtano dhaliilaha aan la soo koobi karin ee ka muuqda xisbiga Kulmiye iyo diidmadda shacabku ka muujinayo tamar daradda maamulka Kulmiye, dhab ahaan waxa hortimi doonta 2015 inuu noqon doono Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynaha soo socda ee Somaliland Taageersan tahay.
khadar2244@hotmail.com
Mukhtar Cilmi