Afar cadow ayaa jira Marwada Amina Weris, Morgan, Wasiirka duulista Muhanad iyo Wasiirka macdanta Wejixun by Abdi Mustafe

MAQAAL
Goor ay noqotaba afartaa cadow ee Somaliland leeday waa in maxkamad la soo taagaa.
Shicibka reer Somaliland marna ayay ka qaldanaan ama ka hilmaamin afarta cadow ee Somaliland leeday. Marwada Amina Weris, Morgan, Wasiirka duuulista Muhanad iyo wasiirka macdanta wejixun. Wixii kale oo dhami waa wasiiro lagu shaqeysto oon caqiibo lahayn.
Mathalan wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi isagoo pension ku filan qaata hadana in uu is bahdalo oo Amina Weris amar ka qaataa waa raga nimo daro iyo is bahdilaad.
Wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade isagu waa guulwadaha uugu derejada sareeya oo madaama uu wasiir yahay ma kala jecla cid farta uugu yeedha iyo cid kale oo waa shaqaale uun isagu aan xayo lahayn. Wasiirka lagu danbaabo ee dalka kala waday ee iminka Amina Weris iyo Morgan la coloobeen laakiin Silaanyo ay ka fur-furi kari la’yiin waa wasiirka madaxtooyada oo dalka afartii sanadood ee la soo dhaafay kala waday. Silaanyo isagu denbi malaha waa marfuuc al-qalam oo lama filayo in denbiba loo qoro sababtoo ah wxanuuno iyo gabow baa isugu darsamay oo waxba ma kala oga 5 miridh na maba hadli karo ee Afartaa cadow ayaa u diidan in uu iska nasto oo ku maxaafsada.
Silaanyo haduu fayowyey lagama ilaaliyeen saxaafada iyo dadka. Taariikhda mey dhicin in Silaanyo cidi la kulan to isagoon Xirsi ag fadhiyin sababtoo ah wuxuu ka ilaaliyaa in la ogaado xaalada caafimaad ee madaxweynaha. Suaashu waxa weeye mudo intee leeg bay Amina Weris isleeday khiyaamadani wey kuu shaqeynaysaa? Waa mudo kooban oo iyadoo madaarka ka baxsanaysa ayey wixii nooli arki doonaan.
By Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.com