AlJazeera: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee

1919476_210662707380_1391883_n

Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia 

 

Hanine Hassan waa ardayd shahaadada PHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay daraasada dheer  ku samaysay  dhibaatada  ka dhalankarta  cabudhinta iyo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo dhulka xooga ay Israel kaga haysato falastiiniyiinta. Waa warbixin ay dhinacayo badan ay ku eegayso kuna iftiiminayso sida aduunku uu afka uga xidhay kooxaha xag jirka ah ee wadamada reer galbeedka uga tegaya kuna biiraysa ciidamda Israel sidii ay u xasuuqi laaheen shacabka falastiin.  Warbixintan waxa Aljazeera ka soo turjumay Guled Abdi Sheekhaash – SDWO.COM & SomalilandNews.Net.

 

Warbixintan ayaa ku bilaabantay gabadh jihaadka Israel uga tagtay dalka Holland, Magaceedu waa Katie , waxay ka timid dalka Holland waxay dooratay inay ka mid noqoto ciidamada Israel halkii ay iska joogi lahayd dalkeeda, boqolaal  dagaalyahono dhalinyaro reer Holland ah ayaa ku biiray ciidanka Israel ee xasuuqa ba,an kawda  deegaanka Gaza.    Hadaba su,aasha in la is weydiinayo  waxay tahay dowladeeda Holland ma ugu yeedhaa dhalinyaradan u dagaaltegay Israel,  magaca  Jihaadiist ama (Jihaad Fighters) Sida loogu yeedho dhalinyarada wadama reer galbeedka ka taga ee ku biira dagaalyahanada Syria.

 

Israel oo la ogyahay inay dacdiyo iyo xasuuq ay ka geysanayso dhulka falastiinyiinta (War Crime) ayaa hadana waxay xafiisyo ay ku leedahay  dalalka Yurub iyo Maraykanka oo ay dhalinyarada rabta inay u jihaadaan Israel  oo ay ka barbar dagaalamaan ciidamada Israel  ay iska diiwaangeliyaan iyagoo ka dibna si joogto ah sanadka oo dhan uga soo dega garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion Airport ee Israel.

 

Maaha taariikhda markii u horeysay ee reer yurub iyo maraykan ka mid noqdaan ciidamada Israel.   Intii aan la samayn dalka Israel, ayaa kumaanan  dagaalyahano naftoodhurayaal reer galbeed ah oo  ay soo diiwaangeliyeen ururka ay Israel leedahay ee la yidhaah Zionist Movement oo u qabilsan diiwaangelinta (Volunteers)  afkoogana lagu yiraah Mahal oo ahaa qaybayna ka ahaa dagaal yahiinta meleteriga hawlgalada ka waday gudaha fasalstiin xiligii gumeysigii Ingiriiska.

 

Dagaalkii 1948kii waxa Israel soo gaadhay oo ka qaybqaadanayey dagaalkii lagu abuurayey dalkan hada la yidhaah Israel in ka badan 4 kun oo dagaalyahanadii dagaalkii labaad ee dunida ee dalalka Maraykanka, Kanada iyo yurub. Ciidankan khibrada u lahaa dhinaca dagaalka fool ka foolka ah, madaafiicada iyo dhinca cirkaba waxay gudaha falastiin ka fuliyeen hawlgalo balaadhan.

 

Raysawasaarahii Israel Yitzhak Rabin ayaa mudo danbe uga mahadnaqay guushii uu ku dhamaaday dagaalkii ay qaybta ka ahayeen dagaalyahiiniinta ajanibka ahayd, isagoo yidhi waxay inoo yimaadeen xili aynu ku jirnay wakhti adag oo aynu aad ugu baahnayn xiligaas oo ahayd xiligii xornimada iyo samayntii dalka Israel ee dagaalkii 1948kii.

 

Dagaalyahanadaasi waxay caawiyeen oo ay dhiseen meleterigii Israel, waxanay si badheedh ah uga qaybqaateen isir xasuuqii lagu hayey falastiin iyo qixintii qaxootiga badan ee falastiin.

 

Hadaba mashruucii Mahal Recruitment (Volunteers) muu istaagin markii lagu guulaystay samayntii dalkan Israel ee 1948kii laakiin ilaa maanta sidii buu u socdaa mashruucii.  Boqolaal dagaalyahano ajaanib ah ayaa Israel ku yimaada mashruucan oo ka kala yimaada in ka badan 40 wadan iyagoo ku kala biira qaybaha kala duwan ee ciidanka Israel badnkooduna kuwa jiida hore ee dagaalka ayay ku biiraan.   Qaybta online ka  ee mashuurca diiwangelinta Mahal ayay ku qorantahay inay tahay difaacida iyo adkaynta  ciidamada Israel. Waxaana ka qaybqadan kara qof kasta oo aan Israel u dhalan laakiin asalkiisii Jewish ka soo jeeda, waxanu kamid noqon karaa ciidamada jiida hore ee dagaalka iyo kuwa jooga dhulka falastiin laga haysto  ilaa iyo mudo 18 bilood ah.

 

Wakhtigan xaadirka ah in ka badan 100 dhalinyaro oo ingiriis ah ayaa ka tirsan ciidamada Israel, xataa waxa taageersan hooyinkood oo is weydaarsada waayo aragnimada hooyada uu wiilkeedu ka tirsanayahay ciidamda Israel.

 

Sanadkii 2009kii Xilidhabaan ka tirsan golaha guurtida ee UK (House of Lords) ayaa weydiiyey inay jiraan dad ingiriis ah ah oo ka tirsan ciidamda Israel ama ciidamda Israel ee keydka ah.  Masuulkii arimaha dibada ayaa ku jawaabay Dowlada UK ma farogeliso cidey Israel ugu yeedhayso inay ka mid noqdaan ciidamadeed meleteriga ama ciidmadeeda keydka ah xataa kuwa labada dhalashaba haysta,  jawaabtana waxa qudha oo laga heli karaa dowlada Israel.

 

April 2014kii baarlamanka Ingiriiska ayaa soo saaray warbixin ka kooban 246 bogg oo ka hadlaysay sidii looga hortegilahaa argagaxisada siiba dadka muslimka ingiriiska ah ee ka dagaalmaya Syria, Somalia iyo Afganistan.    Warbixintan meel qudha laguma xusin dadka ingiriiska ah ee ka soo laabanaya ciidanka Israel ee dagaalada ka soo qaybqaatay.  Sidoo kale laguma xusin ka mid noqoshada ciidamo xoog meel ku haystaa inay tahay ku xadgud  sharcigii Foreing Enlisment Act ee sanadkii 1870kii  oo denbiile dagaal ka dhigayey qofka haysta dhalasho ingiriis ah oo ka mid noqda ciidanka wadan kale.

 

Mashruucii Mahal(Volunteers)  waxa uu noqday ku balaadhan oo aduunka meelo badan ka dhisan, waxaanay si weyn hada uga qaybqaadanayaan dagaalyahanada lagu soo qoray mashruucan xasuuqa iyo dagaalka ay hada Israel ku hayso degaanka Gaza.  Laba dhalinyaro ka yimid dalka Maraykanka ayaa 20kii Julay ku dhintay gudaha Gaza iyagoo ka tirsan ciidanka Israel ee gudaha ugu jira deeganka Gaza,  waxanay TVyada Maraykanku shaaciyeen in ilaa 780 dagaalyahan ay ka tageen Maraykanka iyagoo iska diiwangeliyey Mashruuca Mahal.

 

May 2014kii Safaarada Israel ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa ku wargelisay dadka Jewish ka ah inay masuuliyiin sare oo ka tirsan ciidanka Israel ay France yimaadeen iyagoo casharo ku saabsan mashruuca diiwaangleinta dagaalyahanada ay bixindoonaan isla markaasna ka jawaabidoonaan wixii su,aalo ah ee la rabo in la weyydiiyo.

 

November 2013kii gabadh u dhalatay dalka Ukrainain oo 6 sano ka soo tirsanayd ciidmada Israel oo mashruucan Mahal ku tagtay ayaa laga arkay TV ga wadankaas iyadoo leh intaan ku jiray ciidamda Israel waxaan dilay caruur falstiinyiin ah,  denbigana waxa damaanad iiga qaadaya oo iga hor istaagaya shariciga Yurub iyo Yukreeyn ee la igu qaadi lahaa,  sharciga Israel oo aan denbi ka dhigaynin hadii la dilo caruurta Falsitiiniyiinta.

 

Waxa kale oo jira mashruuc la yidhaaah Lone Soldier oo ay ka tirsanyahiin 5 kun oo ah Jewish ka ku nool yurub iyo maraykan, mashruucan ayaa dhiirigelinaya sidii ay Israel u heli lahayd dagaalyahano ka yimaad dalalka dibada, qaxootiga dalka gudahiisa iyo caruurta aan lahayn aabe iyo hooyo toona.  Garabkan ciidamada Israel ka tirsan ee  Lone Soldier waxa loola dhaqma si gaar ah  iyagoo xaquuq iyo faaido badana la siiyo, sida iyagoo laga taageero dhinaca dhaqaalaha, Guryaha iyo fasaxyo la siiyo si ay u soo arkaan eheladoodii dalka dibadiisa joogtay.

 

May 2014kii magaalada Tel Aviva waxa laga furay xarun cusub oo loo bixiyey Lone Soldier Centre,  oo loogu talogalay inay ku raaxaystaan kuna kala warqaataan dagaalyahaniintan Lone Soldiers ku .   Waxa hirgeilsay xarunta urur NGO ah oo  degan Holland oo la yidhaah Israel Actie,  oo ah urur dhiirigeliya fududeeyana ururinta iyo diiwaan gelinta Volunteers  ka qayabqaata shaqooyinka melteriga kuwa jiida hore ee dagaalka iyo kuwa kalaba, Jewish ha ahaadaan ama yaanay ahanine oo xataa dad Israel yaanayba ahanine,waxa ka qaybqaadan karana mashruucana laga bilaabo 16 jir kagana qayb qaadan kara, dhaqaale ahaan, iyo ka mid noqoshada ciidankanba oo direeska xidha si ay u xoojiyaan meteriga Israel.  Mashruucana waxa ka tirsan boqolaal dhalinayaro ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 30 wadan.

 

Dhinaca kale Israel waxa ay aduunka oo dhan ka wadaa mashruuc ay ugu yeedhay Israel Experience (Waayo Aragnimada Israe).  Waa mashruuc  loogu talo galay dhalinyarada Jewish ka ee dalka dibadiisa ku nool laga bilaabo 13jir oo loogu yeedho mashruuc lagu soo madadaalinayo oo lagu soo ciyaarsiinayo caruurta inta la geeyo Israel .   Laakiin caruurtan waxay mudo hal week ilaa 6 week ah ay soo bartaan isticmaalka hubka, iyo tababar meleteri,  iyo casharo ku saabsan Zionisam ka iyo Meleteriga Israel, iyadoo dhinacii madadalada maaweelada caruurtuna u dhex socoto.  Ka dibna cauurtan waxa dib loogu celiyaa waalidkood iyo dalalkii laga soo kexeeyay iyagoo noqda afhayeeno difaaca oo taageera dhulka ay Israel xooga ku haysato iyo in la difaaco Israel wax kaste oo ay ku kacaysaba.

 

Ciidamada Amaanka ee reer galbeedka (Intelligence Service) waxay si toos ah iskaga indhotiraan wadaniyiintooda  xidha direyska ciidanka Israel ee taga dhulka Israel xooga kuhaysato iyogoo denbiyo dagaal oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah halkaas ku soo gala.

 

Figrad ahaan reer galbeedka iyo Israel ba waxay aminsanyahiin hadii meel uun aad Jewish ka soo gasho inaad xaq u leedahay inaad difaacado dhulka ay Israel xooga ku haysato, halka ay sharcidaro u arkaan in falastiiniyiintu ka dhiidhido xooga xaqdarada ah ee lagu haysto ee dhulkooga lagu balaadhinayo yuhuuda ee biyahoogiina qasab ay Israel ku leexisatay. 

 

Waxayna imika toos ay Israel u cadaysatay inay bartilmaamsato shacbiga iyo goobaha muhiimka ah sida, iskuulada, dhakhtrada,  masaajidada, xarumaha qaxootiga UN tu ku hayso, wershada laydhka, isgaadhsiinta iyo biyaha, waxaas oo dhana reer galbeedku uma arkaan inuu yahay denbi dagaal u baahan in la horgeeyo maxkamada aduunka.

 

Hadii madaxda yurub ay ka dhabtahay werwerka ay ka qabaan  sidii ay u xakamaynlahayeen dagaalyahanada ajaanibka ah ee la soo laabanay tababarka hubka  ama kuwa had araba inay tagaan.  Waxa muhiim ah inay si u wada arkaan kuwa  ka soo laabanaya dhamaan goobaha bariga dhexe ee dagaaladu ka jiraan. Yurub masuuliyad baa ka saran inay joojiyaan dadka dalalkooga ka tegaya ee denbiyada ka soo geliya shacbiga falastiin.

 

Dowlada Israel waxay u isticmaashay degaanka Gaza goob ay ku tijaabiso hubkeeda casriga ah iyo sunteeda.  Aduunkana waxay ahayd in talaabo laga qaado Israel maadama ay jebisay sharciyo badan oo ka dhan ah xaquuqda binu aadmka waxaanay ahayd in lagu soo rogo cuntoqabatayn xaga meleteriga ah.

 

 

 Guled Abdi Sheekhaash

SDWO.COM & SomalilandNews.net  – Chair & Chief Editor
Do not ask what your country can do for you
But ask what you can do for your Country