Anaa la ii taag waayey ! Qalinkii:Baxnaan xaaji aden. Qalinkkii Baxnaan Xaji Adan

baxnaan-126x150Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Hadda anagu hadaanu waddani nahay Yusuf abdi Gaboobe waxaanu u naqaana mujaahid iyo weliba saxafi heer qaran ah.

Dhaashane:Dee waa yeelkadiin .Maxaad noogu sheegaysaa anaga.

Dhaqane:Waxaanu kuugu sheegaynaa ,inaanu yusuf abdi gaboobe xadhig u qalmin.Oo weliba yaa xidhaya mid aan mallin ri` gees ka jebin.Macquul maaha adeer in Nicholas kayna dhuunta la gashado Muj yusuf abdi gaboobana dhabarka laga garaaco.

Dhaashane:Waar inaadeer waxaa iga daayoo waxaad iiga waranta .Wasiir Waran cade wuxuu ku dhawaaqay in Maanta laga bilaabo ay fasaxeen in maayarada la ridi karo.Ma fahantay wuxuu u jeeday?

Dhaqane:Si fiican baanu u fahay.Libaaxa Ceerigaabo ayuunbaa lagu socodaa.Adeer anigiyo Ina xaaji nuurba si fiican baanu idiin naqaan.

Dhaashane:Waar imikaad sida Jamac riyo meel aan loo jeedin isku qaadiye anaga Mayorka Ceerigaabo hana hor dhigin.Mar dhaweedna Ina gaboobe iyo dad aanaan rabin baad na hor dhigaysee.

Dhaqane:Markay halkaa maraysay ayaa waxa na soo dhex galay nin reer gabilay ah oo na dhegaysanayey.Sheekuu noo mariyey .Wuxuu yidhi:Berigii faqashta lala dagaalamayey ayaa magaalada Arabsiyo waxaa joogay oday yar oo aad u taageersanaa SNMta .Arabsiyana maallin Snmtaa qabsanaysay maallina faqashta.Maallinta ay SNMtu qabsato ayuu Calanka SNMta la soo carari jiray isagoo guul guul taa haya.Maallin ay faqashu qabsatay ayuu Calankii SNMta la soo booday.Islaantiisii ayaa tidhi :EE waa faqashtiiye ka joog oo calanka iska qari.Intuu islaantii xagaa isaga riixay ayuu yidhi :Naa noo banee waxba ha noo sheegine.Calankii SNMta ayuu ula yimi faqashtii isagoo guul guul taa haya.Faqashitina intay calankii ka qaadeen ayey fiigeeyeen.Isagoo fiigaysan ayaa nin reer Laascaanood ah oo saraakiisha faqashta ku jiraa meeshii uu ku fiigaysnaa yimi .Askartii buu waydiiyey :Muxuu ahaa ninka fiigaysan ?Intaanay askartiba jawaabin ayuu odaygii fiigaysnaa ku jawaabay :Waa la ii sheegee adeer anaa la ii taag waayey.Imika adeer nimanka waa naloo sheegee anagaa naloo taag waayey.
Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

Baxnaan Xaaji Adan
Sweden