Baro (Mareegta Website-ka Ugu Waxtarka Badan Xaga Waxbarashada!

Baro Website-ka Ugu Waxtarka Badan Xaga Waxbarashada!

Fatima_Oxford

Inkastoo cinwaankani aad u weynyahay, lagana yaabo in ay markaba maxkaxdaada kusoo dhacaan WIKIPEDIA iyo YOUTUBE, website-ka  ay faaido.com halkan idiinku soo gudbinaysaa waa website aanu filayno in uu labadan iyo kuwa lamidka ahba ka waxtar badanyahay.

Website-kan oo lagu magacaabo: www.learnerstv.com waa website lagu soo ururiyey kumanaan muuqaal (video) oo waxbarasho oo ay bixiyeen ama laga dhigay jaamacadaha iyo kuliyadaha adduunka ugu horreeya dhanka aqoonta.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in dhammaan waxa casharo muuqaal ama slides ah ee bogan ku jira aad si bilaash ah kaga soo dejisan karto (download), islamarkaana aan lagaaga baahnayn in aad is diiwaangeliso.

Website-kan waxaa ku kaydsan dhammaan mawduucyadan: Medical Science, Maths and Statistics, Computer Science(IT), Engineering, Management and Accounting, Law, Nursing, Economics, Political Science, Languages, Communication(sida Public Speaking).

Waxa kale oo aad websitekan ka helaysaa kana download garaysan kartaa boqolaal kooras oo dhamaystiran oo hoos yimaada faylalka: Biology , Physics , Chemistry, Dentist, Psychology, History, Literature, Philosophy, Astronomy. Waxaanu kooras waliba ka kooban yahay muuqaalo dhamaystiran oo qaarkood boqolaal gaadhayaan.

NB: Waxa keliya ee lagaaga baahanyahay waa: browser wanaagsan siiba Google Chrome, Flash Player iyo Java . cashar kasta oo aad download garaysanayso waxa kuugu garab yaala link aad kasoo dejisato. Waxaanu muuqaal waliba leeyahay cabiro kala duwan (waxa ugu wanaagsan linkiga download-ka ee labaad ee ay ku qorantahay MP4 720p waa ka ugu quality-ga wanaagsan)