Cadaalad Darada Iyo Dulmiga Heco Waxay Sababtay In Hadh Cad Shaqaalihii Ka Boqoolaan Marakay U Adkaysan Waayeen Xanuunka Qabyaalada

unnamed

 

 

 

 

 

 

Cadaalad Darada HECO waxay Sababtay inay Shaqaalihii hadeer Wada yaacaan, ragg badan oo lafdhabar u ahaa shirkada ayaa dhawaan ka tagay waxayna haayeen ragg macquuula oo wax kala garanaayana waanan u hanbalyeynayaa, waxaa kale oo arxan daro ah xeerka ay shirkadu soo samaysatay, xeerkaasoo u danaynaaya shirkada oo keliya balse aan u danayn Shaqaalaha weynaha.

Shaqaalaha waxaan kula talinayaa inay iska ilaaliyaan Xeerkaasi waayo xeerka umay soo shaqo tagin ee waxay usoo shaqo tageen Naftooda, waan hubaa oo hadii ay ka tagaan way ka raysan doonaan, waxaan shaqaalaha kula talinayaa cidii saxeexday Xeerka inay ku dhaceen balse cidii aan wali saxeexin ay ka bad baadeen kana feejignaadaan inay saxeexaan .
Shirkadu waxay dul ku haysaa Shaqaalaheeda iyo Shacbigeegada labadaba waxay ku haysaa dulmi, Xukuumada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay Shacbigeeda hoos u daydo, oo uu ka saaran yahay xilweyni, maalin walba waxay yidhaahdan waxaanu shacbiga ka dhimaynaa qiimaha waana ay kusii kordhiyaan, Shacbiga somaliland waxaan u aqaanaa shacbi diida Xumaanta oo ka dhiidhiya waxa la yidhaahdo Kooto, waxaan shacbiga  reer Togdheer u sheegayaa inaanay soo iibisan wax xadhiga iyo wax bira.
Waxaan kale oo aan uga tacsiyadaynayaa in aan saaxiib nahay oo lagu yidhi soo iibso xadhko iyo biro si laguugu xidho laydh qalabkaasina uu ku kacay 1200 $ 00 Dollar, waxaan odhan karaa waa in shacbigu tashadaan waayo ma aragno cid loo dacwoodo iyo  oo ka socota shirkada heco, shacbiguna shirakda hawga tashadaan siday xamar uga tashadeen, waxaana ay u sheeganaynaa inay la shaqeeyaan shirkada keenaya laydhka.
Qoraankayga maanta intaasi ayaan ku joojinayaa wixii danbe waan wada socon doonaa hadii alle ka dhigo.
W/Q:  Cabdi Sugaal Jibriil 
Telefoon: 063- 4431833