Cadceeda sacabka laguma qarin karo Cali warancade na Habar magaado ma joojin karo by Abdi MustafeImportant mainly because of the words in the message.

maqaal

Qofkii is yidhaa doox biya ah oo soo rogmaday gacmaha ku moos biyaha ayaa la taga oo qaada. Taa waxa ka dhigan Cali Warancade oo caqli xumidiisa isle Habar Magaado jooji oo qari. Marka dadka qaarkii aanay isku kalsoonayn ee dabeed xil ka weyn loo dhiibo waxay isku dayaan in ay buuraha qaadaan dabeedna adhaxda ayay ka jabaan. Hadii guulwadeyntu ay noqoto shaqaada qofka wuxuu doonaa wax aan suurta geleyn in uu dhexda u galo oo dabeed ceeb baa ka raacda. Cali meel uu marayo isma oga ee wuxuun buu isleeyay Silaanyo raali geli dabeed Habar magaado ayuu ku haftay.

Allahayow yaa cali caqli siiya uu ku garto hawsha loo diray in uu ku fashilmay oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagaga qoslaayo. Xuduudha xidhani amni daraan darteed bay u xidhanyiin. Halkaa ayaa shaqadii Cali ku jirtaa. Maaha in uu ku mashquulo reer baa shiraya. Cali haduu shaqadiisa garanayo wuu joogay madaarka markii Silaanyo soo degay ee buuqu ka dhacay juuqna meesha kamuu odhan isagoo wasiirkii gudaha iyo amniga ba ah. Cali wuu ku daawaday Silaanyo intii dhegaha lagaga qeylinayay ee la lahaa fadhiiso adigu madaxweyne. Dhuxul baa midhkaa lahaa oon xaqna uugu lahayn in uu madaxweynaha Somaliland sidaa uula dhaqmo. Waxaan se loogu daalayn wixii meeshaa ka dhacay cid wax ka qabanaysaa ma jirto oo shaqaalahan madaxtooyadu sira badan bay hayaan oo ay sheegayaan hadii la tabto. Cali Warancade halkaa ayuu ku dhex boodi lahaa oo uu dhuxul iyo cid walba hawsha kala wareegi lahaa oo buuqa soo afjari lahaa. Ninka qudha ee isna xaq u lahaa in uu meesha la wareego hadii buuq yimi wuxuu ahaa madaxweyna ku xigeenka oo isna xaga danbe fadhiyay oo filimka daawanaayay oo weliba mafsuud ka ahaa sida wax u dhaceen. Saylici isagu in ay madaxtooyadu fashilanto ayuu weligiiba jecelyey. Cali hadaba waxaan leeyay yaan dooxu kula tegin ileyn habar magaado sacabka kuma qarin kartid e.

abdi_mustafe123@yahoo.ca