CALI MAREEXAAN CAQALI YARAA !!!

CALI MAREEXAAN CAQALI YARAA

calimareexaan

 

Anigoo ah dhalinnyarada isha sida tooskaha ugu haysa  siyaasada indha la,aant ah isu dabasocota ee xukuumada uu gadhwadeenka uyahay oday siilaanyo oo haatan taagan heer ay miciinsanayso qabyaalad qori ku lamaanyahay iyo in ay magac usamayso shaqasiyaad uu madaxaweyne siilaanyo adeer uyahay oo uu hada qasnada dawlada looga saaro dhaqaale lagu samaynayo laguna horumarinayo degmooyinka beesha madxweyne siilaanyo  iyo tuulooyinkaba. Taas oo ay marag utahay  wax- qabadada qabyaaladu ku lamaantahay ee uu fulinaayo  cali mareexaan oo aynu unaqaano  inuu yahay xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada iyo waliba mushaharka uu qaato  oo la ogyahay inta uu cadadkiisu yahay.Sikasadaba ha ahaatee maahmaah soomaaliyeed ayaa odhanjirtay gojaxo geel in gunti lagaliyo ka weyn taas micneheedu waa waxa uu wado cali mareexaan oo bulshadu utaqaano guulwade indhala’ oo aan gabasho lahayn.

  • Waxayse su,aashu tahay? Xaguu ka keenay cali mareexaan  gaadiidka iyo guryaha isdaba jooga ee uu geynayo degaamada uu u dhashay
  • Muxuuse markii ay dawladii tan ka horaysey jirtay   ee rayaale  dagaamadiisa waxa uu hada qabanaayo ugu qaban waayey
  • Miyuu  cali mareexaan  ka fiicanyahay 81 ka mudane ee marka lala doortay
  • Miyaanu cali mareexaan umada soomalilaand  mustaqbal ka sugayn mise dadkaba wuxuu uhaystaa inay yihiin intii dooratay
  • Ma madaxaweynahaa yidhi  sidan yeel mise isagay la quruxbadatay
  • Malaga yaabaa inay  ku noqoto caqabad cali qadinnaantiisu
  • malagayaaba in ay yimaadan maahmaahihii soomaalida ee odhanjiray wax la qariyo qudhunbaa ku jira iyo waxa badso wax beel bay dhashaa oo aad moodo inay labaduba  hada khuseeyaan madaxweyne siilaanyo iyo wiilka  uu adeerka  u yahaye cali mareexaan oo labaduba had u banaan bexeen quweynta qabyaalaqda  qarsoon saareen qabyaaladii uu baabiyey madaxweynihii ka horeeyey ee daahir rayaal  kaahin oo isagu jar ka tuuray  qabayaalada

su,aalahan iyo kuwo kale oo aanan halkan ku soo koobi karin waa ku horyaala  xildhibaan mareexaan iyo saaxiibadiisa kula taliya waxqabadadan xaqiiqda ka fog .

 guntii iyo gaba gabadii  hadaan u dhaadhaco dulucda maqaalkaygan

waxan kula talinlahaa  cali mareexaan oo ah nin dhalinyaro wax badana fahamaya inuu garto inuu adeerkii taaganayahay cimri siyaasadiisi dhalinyarona uu ku soo dhamaystay isagoo aan mar isku sawirin qabyaalad ilaa u qabsaday hogaanka dalka iyo kii SNM oo uu labadabaqabyaalad ku maamulay  sidaas awgeed waxan leeyahay adiga odaygu yuu kugu jidmarin hantida qarankana qabyaalad                                                                                                awgeed haw qarsan

ALAA MADALEH

Qalinkii mustafe wada arin

Tel=00252634418407

Â