Cali Warancade oo jecleysanaya in aan doorasho dhicin oo distoorka been ka sheegay oo labada diiwaan gelin nood isku xidhay by Abdi Mustafe

MAQAAL

Cali Warancade ayaa wareysi uu shalay bixiyey been ka sheegay distoorka oo yidhi waxa ku qoran in aan diwaan gelinta doorashada la samayn ilaa diwaan gelinta madaniga ah la sameeyo. Haduu Cali diiwan gelinta carqaladeeyo waxa qasab noqonaysa in sidii awal ba la samayn jiray bilaa diiwaan gelin lagu geli doono doorashada. Cali dadka ha tuso halkay ku qorantay diiwan gelinta madaniga ah la’anteed diiwan gelinta doorashada la qaban maayo. Cali oo ka hadla 5 million baa diiwaan gelinta madaniga lagu sameynayaa oo la ogyey in nin beesha silaanyo ah qandaraaska la siiyey ayaan fahan sanayn in ay qaadan karto sanado badan.

Cali warancade oo nin boob ka xalaashaday ayaa doonaya in uu lacagna sameeyo wasiir na sii ahaado mase suurta geli doonto. Cali wuxuu jecleysanayaa in aan doorasho dhicin oo wuxuu isku qasayaa laba wax oon is qaban. Diiwaan gelinta madaniga ihi sanado ayay socon kartaa oo looma xanib naan karo. Cali Warancade oo haduu dowlada u shqeyn waayo busaaradu oogada uuga soo baxdo ayaa jecleysanaya in uu wasiir sii ahaado.

Cali ha ogaado in ay qasab tahay in doorashada madaxweynaha la sameeyo 2015 hadii kale dalku gacanta wuxuu uuga geli argagixso oo isna wasiir sii ahaan maayo ee wuu qixi. Calo soo akhri distoorka intaanad warbaahinta tegin.

Abdi Mustafe

abdi_mustafe123@yahoo.com