“Ceerigaabo iyadaa ugu mudan in mashaariicda dalka intiisa kale laga horaysiiyo oo ay Wadadu ugu horayso” Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA

unnamed

Waxaan Marka ugu horaysa halkan ka salaamayaa dhamaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Salaan ka bacdi, Waxaan aad iyo aad uga xumaaday dib u dhaca balaadhan ee ka jira gobolka Sanaag ee ay magaalo madaxda u tahay Magaalada Ceerigaabo. Hadaba aan in yar dul istaagno geography ahaan Gobolka Sanaag iyo muhiimada ay u leedahay Somaliland. 

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan balac ahaan gobolada Somaliland waxaana la odhan karaa waxa uu gobolka Sanaag wax yar ka yar yahay marka laysku daro guud ahaanba Somaliland inteeda kale. Hadana, Gobolka Sanaag waxa uu ka aradan yahay dhamaanba adeegii ay bulshadu u baahnayd oo ay ka mid yihiin; Caafimaadka, dhaqaalaha, Waxbarashada, wadooyin, dekedo, airportiyo, iyo dhamaanba adeega aasaasiga ah ee ay bulsho ku noolaan karto. Waxaynu ognahay in gobolku uu leeyahay khayraad aad u badan isla markaana uu leeyahay badii, beeyadii, buurihii, xoolohii, beerihii iyo khayraad kale oo aad u badan isla markaana sare u soo qaadi kara dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo ka gobolka gaar ahaan. Hadaba, si uu wadankeenu isku filnaan dhaqaale uu u gaadho, waa in laga shaqeeyaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo wadanka ay muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa in awooda laysugu geeyo kor u soo qaadida iyo wax ka qabashada baahiyaha ka jira gobolka Sanaag. Waxaynu ognahay in mashaariicdu aanay soo dhaafin Hargeysa. Waxay ognahay in gobolku aanu xitaa lahayn adeegii caafimaad oo dhakhtarkii aanu si fiican u shaqayn. Waxaanu Xukuumada usoo jeedinaynaa in mashaariicda la gaadhsiiyo gobolada kale ee Somaliland sida Sanaag oo muhiimad dhaqaale u leh wadanka guud ahaan. Waxaanu aad iyo aad usoo jeedinaynaa in ugu horayn laga shaqeeyo adeega bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo wixii la mid ah. Waxaanu kaloo usoo jeedinaynaa dhamaan reer Somaliland in Wadada Ceerigaabo iyo Burco ay tahay Halbawle isku xidhaysa Wadanka guud ahaan muhiimad dhaqaalena u leh isla markaana layska kaashado sidii loo hirgelin laha.
Allaa Mahad Leh
Maxamed-Nasir M Dhoore
Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA
Minneapolis, MN.