Codsi Taageerayaasha WADDANI si Dib Loogu Eego Heshiiskii WADDANI : UCID

      images

   Codsi Taageerayaasha WADDANI si Dib Loogu Eego            

                                                 Heshiiskii WADDANI : UCID

   Waxa aynu wada ognahay mudo aan fogayan in aya wada galeen ama kala saxeexdeen labda XISBI QARAN WADDANI iyo UCID heshiis si ay mucaaradadooda ku xoojiyaan oo ay mucaaradada dhex dooda kala daayaan anshaxa XISBINIMANA la ilaaliyo heshiiskaas oo taageerayaasha WADDANI intooda badani aany u arkayn mid muhimad u leh WADDANI waayo waxa la saadaalinaayay in aanu faysal marna joojinayn dacaayada iyo aflagaadada uu ku hayay XISBIGA WADDANI iyo Hogaankiisa, sababtoo ah waa ogaydeen maalmo ka hor inuu lahaa WADDANI doorasho doonimaayo oo Hogaankooda ayaa doonaaya inuu kursiga Wakiilada ku sii fadhiyo, taasina waa mucaaridad uu si dadban uu Gudoomiya XISBIGA WADDANI u duraayo, XISBIGA WADDANI inuu doorasho doonaayo waa waxa uu ku kasbday taageerada dalk ugu badan, siyaasadii caytanka iyo buuqa ahayd ee labaatanka sano wadanka dhalinyrdiisa lagu soo barbaarinaayay in laga gudbo ayuu bilabay si anshaxa mucaaridnimo lagu barbaariyo dhalinta iyo dhamaan dadwaynaha somliland siyaasad hufan oo mucaardaysan kuna salaysan run sheeg iyo aflagaado la´aan.

Haddaba Faysal Heshiiskii xagee ayuu ku ilaaway goormuuse ku dhaqmi doonaa heshiiska uu la galay XISBIGA WADDANI, XISBIGA WADDANI oo la ogyahay inuu yahay ka ugu taageero balaadhan Somaliland WADDANI wuxuu isu tabaabushaynayaa sidii Xukuumadan fashilantay dalka looga badbaadin la haa oo uu talada dalka ugu guulaysan lahaa ee qaylo iyo dacaayad wakhti kaga lumi maayo.

Xisbiga UCID Ixtiraam badan ayaanu u haynaa sababtoo ah waa XISBI QARAN oo waxaa ka dhex muuqda rag iyo dumar siyaasiyiin QARAN ah oo ixtiraam naga mudan faysalna waxaanu xusuusinayna inuu heshiiskii weli shaqaynaayo, Hadaba hadii aanu nahay taageerayaasha XISBIGA WADDANI ee daafaha dunida kala joog waxaanu ka xunayhay in uu faysal XISBIGA WADDANI waxaan jirin ka sheego WADDANI iyo hogaankiisa, isla markaana waxaanu ku boorinaynaa Hogaanka XISBIGA WADDANI in ay dib u eegis deg deg ah ka yeeshaan heshiiskii labada XISBI qaran wada galeen,

Siyaasiyiinta iyo engineerada iyo kornaylada iyo mujaahidiinta la baxay MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA sharaf ayay ka mudan yihiin dhamaan dadwaynaha dalka, sidaa darted waxaanu kula talinynaa in ay ku kala biiraan AXSAABTA QARANKA si aad cududiina iyo cilmigiinaba aad ula fadhistaan madal sharci ah,Guurtida iyo Golaha wakiiladuna waxay ku fadhiyaan sifo sharci ah , sharafta dalka iyo tan dawladnimaduba waxay ku jirtaa idinkoo ku kal biira AXSAABTA QARANKA qaldkana haklaa ayaad ku toosin kartaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

qulaybi.g3@gmial.com.

Â