Dhalinyarada Habar magaadle oo gudoomiye ku doortay London

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeed dhalinyarada Habar Magaadle ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay bariga magaalada London,Kulankaas oo ahaa mid siwayn loo soo agaasimay islamar ahaantaana ay soo buux dhaafiyeen dhalinta beesha Habar Magaadle wuxuu daaranaa ama lagu lafo guray xaalada uu haatan dalkii ku jiro haday tahay gudo ama debedba,sidookale waxay dhalintu ku dheeraatay xiisada ka taagan Bali Diiriye Aw Guuleed oo dowladu u faro gelisay si  qabyaaladaysan oo aan gabasho.

 

untitled(2)

lahyn,Arimahaa iyo qaar ka qoto fog markii la gorfeeyey waxa madasha lagu doortay Gudoomiye sii wada Abaabulka iyo isku xidhka dhalinyarada Boqortooyada Habar Magaadle ee UK  Md,Abwaan Abdilahi Hassan Mataan.


Intaa kadib waxa laysla qaatay in kulan dambe oo deg deg ah laysugu yimaado”waa hadii alle yidhaahdo.
Ugudanbayn waxa kulanka soo xidhay Gudoomiyaha la doortay oo madashii ka tiriyey Gabay Cajiib ah oo loo wada riyaaqay,wuxuuna gudoomiyuhu ku soo gaba gabeeyey Duco iyo dardaaran xoogan oo uu u soo jeediyey dadkii madasha soo buux dhaafiyey,wuxuuna ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay weliba ka qayb qaataan Siyaarada Sheekh Subeer iyo dadaalka loogu jiro isku xidhka beesha Magaado oo kala baahday wixii ka danbeeyey 1957.
Wabilaahi towfiiq


Eng Adam Mohamed
Adamfour@hotmail.com