dhamaan jaaliyada somaliland BRISTOL uk. oo tacsi udirayaa marxuum cabdiweli faarax jaanbiir

TACSI

Dhamaan  jaaliyada   somaliland  ee  magaalada BRISTOL UK  ayaa  waxay  tacsi udirayaan    dhamaan   ehelkii ,  qaraabadii.  asxaabtii.  iyo  dhamaan   saxaafada  somalilan  oo dhan   geerida  ku timi      Alleh   ha  u naxariistee      mareeyihii  wargeysaka
 madaxa   banan ee    OGAAL     marxuum        cabdiweli   faarax   jaanbiir.     oo  ku geeriyoday  magaalada    hargeysa.  laguna  aasay  maanta    magaalada   hargeysa.   
   marxuumku  waxa  uu  kamid  ahaa dadka   aqoonta  saxaafada  leh    ee   mudooyin   badan  kasoo shaqeeyey      warbaahinta  kala  duwan  ee   somaliland.  sida     wargeyska    jamhuuriya.   iyo  tvgii  ugu  horeyey ee   somaliland   laga  furo  oo    la  odhan jiray  somaliland  tv.  hada   loyaqaano      somaliland   space channel.      marxuumku waxa   uu  ahaa  nin  degan  oo  qunyar  socod  ah.      sidoo  kale   waxa  uu ahaa   nin   dabeecad  wanaagsan  oo furfuran,  kaftan  badan   .  marxuumka  ilaahay     hawnaxariisto        ayaan   leeyahay , aamiin.
  
                         abdi    barud.    cabdi   xarago   bristol   uk.