Diiwaan gelinta madinaga cadaalad u dhici meyso oo dowlada ayaa gacanta ku heysa oo laguma xidhi karo diiwaangelinta doorashada by Abdi Mustafe

MAQAAL
Diiwaan gelinta madaniga ah dowlada ayaa gacanta ku heysa oo laguma xidhi karo diwaangelinta doorashada sababtoo ah dhulka dowaladu vote badan ka fileyso ayaa aad ta madaniga ah looga qabanayaa dhulka kalena dowladu isku hawli meyso. Mida kale waxay qaadan kartaa dhowr sanadood inta la soo afjarayaa. Xukuumada Silaanyo oo doorashadii dabada ka leex leexinaysa ayaa ku fikireysa in la isku xidho labada diiwaan gelinood oon is geyin. Hadii diiwaangelinta madaniga ah haya’d dowlada ka madax banaan oo ajanebi ihi ay qaban lahayd waa lagu kalsoonaan lahaa in kasta oo aanay ku dhamaanayn dhowr sano. Laakiin Silaanyo iyo kooxda doonaysa in ay kursiga sii fadhiyaan yaanay dadka moodin jahaala aan wax kala garanayn oo sinaba looga yeeli maayo wax dowladu gacanta ku heyso in laga filo cadaalad.
Xisbiyada mucaaradka ihi yaanay yeelin diiwaan gelinta madaniga ah ee Cali Warancade gacanta ku hayo in la yidhaa diiwaan gelinta doorashada ayaa lagu xidhayaa.
Mida kale Silaanyo haduu caafimaad qabo muxuu u doonayaa mudo kordhin ee uu la tartami la’yay. Taasi waxay cadeynaysaa in aan Silaanyo caafimaad kiisu taam ahayn oo weliba laga wada dheregsanyay in qoyska Silaanyo ku qariyaan aqalka oo mar dawo adag ( Morphine ) la soo siiyo mooyaane aan dadkaba la tusin. Mudo korodhsigu waa calaamada caafimaad darada madaxweynaha hadii kale wuu tartami lahaa. Silaanyo qoys kiisa iyo koox budhcada oo wasiira ah ayuu xidhanyay oon isaga caafimaad kiisa dan ka lahayn oo doonaya inay sidaa dalka ku xukumaan. Hase yeeshee waxaasi wey isa soo gorayaan oo dhawaan Silaanyo oo London ku noqday baynnu arki. Silaanyo haduu karayo wuu tartami lahaa mudo korodhsina waxa hubaal ah in uu dalka dub u dhigayo oo qalalaase ka abuurmi doono.