Doodii furnayd ee ku saabsaneyd Maxaa Hortaagan waxqabdkeena iyo ayaamihii Kulmiye

Waddani

4 sanadood kadib maxaynu ku xasuusaneynaa dawlada Kulmiye ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo?Maxaa inala gudboon Mustaqbalka dhow.

Salaanta islaamka ka dib waxa aynu kasoo baxnay bishii barakeysnayn ee Ramadaan, maqaalkan taxanaha ah waxa inaga hakiyey waxa aynu ku mashquulsaneyn fadliga bisha ramadaan iyo waajibka ina saarnaa.

Intaa hadaan uga gudbo cudurdaarka waxa aan doodaydan xeer uga dhigay in ay ka reeban tahay aflagaadada iyo in qof si indho,la,aan ah loo weeraro, waxa aynu ka hadlaynaa waa shaqo iyo sida ugu wanaagsan ee bulshadeena loogu adeegi lahaa.

Waxaynu hore u sheegnay in ay 8da qodob ee soo socdaa noqon karaan Asaaska in aynu yeelano dawlad Tayo leh hanatana umadeena tabaalaysan.Waa kuwan qodabadii si aynu isula jaan qaadno.

1 Sugida Caadaladda iyo Illaalinta Xaquuqda muwaadiniinta

2. Siyaasada Difaaca Qaranka iyo adkaynta amniga dalka iyo umadaba

3. Siyaasada Dhaqaalaha

4. Arimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga

5. Horumarinta Adeegyada Asaasiga ah

6. Horumarinta Bulashada

7.   Xoojinta Tayada Dawladnimada iyo Maamul Wanaaga

8. Horumarinta Deegaanka iyo Nolosha Reer Miyiga

 

Siyaasi, qoraa Maxamuud Raage

Xoghaye Maxamuud Raage

Hadaba aynu ugu horeysiino qodobka 1aad

Sugida Cadaaladda iyo Illaalinta Xaquuqda Mawaadinka.

Waxaynu ka wada dheregsanahay in madaxweyne silaanyo xilka kala wareegay 27.07.2010 , waxaan ahaan ka mid ahaa ragii galbinayey Xaaji Axmed , runtii markii Invitation Cards la qaybinayey waxaa hawsha gacanta ku hayey Dawladii UDUB , waxa ay xisbiga Kulmiye iyo dawlada cusub siiyeen invitation cards oo aad u tiro badan, nasiib daro markii aan xaruntii tagnay waxa aan la kulmay ragii Kulmiye u waaweynaa, odayaashii qurba joogtaa ahaa ee Xisbiga Maalgeliyey iyo dhamaan intii aan tuhmayey in ay lafdhabar u yihiin xisbiga oo aan haysan Invitation Cardkii. Yaab?

Waxaan is weydiiyey yaa qeybinayey Invitationada, garo,oo cardska waxa ay daadsan yihiin xaafadaha Hargeysa, halkaa waxa aad ka garaneysaa in Kulmiye iyo madaxdiisa laga guuray maalintii 1aad, Anigu waxaan ka mid ahaa Gudigii 2aad ee laga doortay Kulmiye UK anoo ahaa gudoomiyaha 2aad ee Xisbiga, 8sanadood baan ahaa Xubnaha kulmiye ee firfircoon Gudaha Somaliland iyo debedaba, waxaan kasoo galay gobolka Sanaag oo aan ka keenay cod aad u badan, Miyaan helay Cardkii , waa maya ,sikastaba waxaa i siiyey nin xildhibaan ah oo gartay in maadaama aan London ka imid , guushii aan daba socday 9 sano la gaadhay aan mindhaa mudnaa in aan goob joog ahaado.

Halkaa waxaan ka mid noqday marqaatiyadii fadhiyey goobtii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo illaahay ha dhawree xilka kula wareegay, Waxa uu yidhi Daahir Riyaale Waxaan kugu wareejiyey Dad iyo Dal nabad ah, waa kelmad weyn oo taariikhi ah.

Intaasi waa iga hordhac aan uga jeeday , intaan dawladu dhalan bay wax qaldanaayeen ee waa uun isa soo tarayeen.

Hadaba aan usoo noqdo qodobkeena ku xusan dusha ah maxay dawladu ka qabatay mawduuceena

Bal aynu ugu horeysiino qodobka 1aad

Sugida Cadaaladda iyo Illaalinta Xaquuqda Mawaadinka.

Mar 2aad waxaan ka mid ahaa ragii loo igmaday ka shaqeynta iyo Wasaaradda Cadaaladdaiyo garsoorka iyo gudiga Cadaaladda , waxaan mudo 14 bilood gudahood ku guulaysanay in dalka aan u diyaarino mashruucii la magac baxay Somaliland Judiciary Reform

Waxa uu socday mudo 3 casho, waxaa hagayey Wasaarada cadaaladda oo oo Wasiir ka ahaa Mudane Ismaaciil Muumin Aare iyo anoo ahaa Agaasime Maxamuud Raage Ibrahim, waxaa nagala qeyb qaatay Gudiga Cadaallada , Garsoorayaal, Dalada Qareenada Somaliland loo yaqaan Somaliland lawyers Associations (SOLLA), iyo Xubno ka tirsan Golaha Sharci Dejinta oo u qaabilsan Cadaaladda.

Waxaa maal geliyey UNDP , UNPOS iyo UNICEF oo runtii ahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dabada ka riixayey in Garsoorka lagu sameeyo Somaliland Judiciary Reform ama is bedel, Runtii Madaxweynuhu wuu doonayey in uu garsoorka wax ka bedelo , waa la diyaariyey dhamaan Siyaasadii wax lagaga bedelayey hayadaha ku shaqo leh Cadaaladda ama waxa loo yaqaan Somaliland Judiciary Strategic Plan , Waxaa la qorey Book aad u weyn , lana diyaariyey dhaqaalihii ku bixi lahaa oo aad culeyska loo saaray Teyeynta Gudiga Cadaaladda Somaliland oo u ah lafdhabar in garsoorkeenu hagaago , waxaa noo soo joogdasay 25 dawladood oo soo diray Journalist naguna soo booqday Magaalada Hargeysa, waxaa mar qudha ka soo baxay wargeysyada Caalamiga sida BBC world, ITN Wasaaradda cadaaladda Somaliland , waxaan Saxiixnay Kaabe Dhaqaale oo dhan$13000.000 oo dollar oo lagu dhisayo garsoorka iyo cadaaladda Somaliland , oo uu ka mid ahaa Dhismaha Wasaaradda Cadaaladda , Xabsi weyn oo laga dhisayo Magaalada hargeysa , Kobcinta awooda Ciidamada Asluubta, tayeynta Ciidmada illaalada Bada.

Halkan ka daawo anoo soo dhoweynaya Wariyaha ugu Caansan BBC worldSiman Reeve oo aan kusoo dhoweeyey Magaalada Hargeysa https://www.youtube.com/watch?v=TzYoBOXTB4A

xabsiga weyn si aan Caalamka uga dhaadhicino in aanu nahay dad sugaya Cadaaladda lehna sharci ay ku kala baydhaan (RULE OF LAW) I aamin mudo week ah Ayaan ku qaabilnay 25 oo kayimi aduunka oo soo booqday illaa Berbera, mar qudha ayaa waxaa dagaal nagaga bilawday Xafiiska Madaxtooyada iyo Xafiiska madaxweynaha ilayn rag bay dhib ku tahay in cidkale wax qabato, waana ta maanta keentay in laga aamin baxo hogaamintii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo marwalba qaadanaya go,aan aan ku saleysnayn xaqiiqda iyo xaalada dhabta ah eek a taagan Xafiiskaas, wasaaradaas, Wasiirkaas ama hayadaas go,aanka la gaadhayo, taasoo ay ka dhalato Cadaalad daro weyn maadaama waxa lagu baneeyey go,aan qaadashada aanay ka tarjumayn dhab.

Waa sida Sheikh xukun riday isaga oo arinkii laysku qabtay aan ku sameyn daraaso ama cilmi baadhis dhab ah, ama Dhaqtar bukaan daawo siiyey isaga oo aan cudurkii baadhin.

Ayaan daro waxa aniga iyo Wasiir Ismaaciil ku mutaysanay in nalaga bedelo Wasaaradii, weli anaga oo shirkii Fadhina lagu dhawaaqay bedelkayaga, kama xumi oo waa sunaha dawladnimada laakiin, in Wasiirku hadho, ama Agaasimaha ayay ahayd si shaqadu usii socoto, miyaa naloo sheegay in nala bedelayo Maya, waxaan tegay Madaxtooyada , waxaana lay dhiibay warqadii Bedelka oo laygu yidhi waxaan kuu dalacsiinay Wasaarada Arimaha Debeda, Miyaa lay dalacsinayey? Maya hawshii qaranka waxaa ka mihiim sanaatay inankan yare e London ka yimi waa in aan la dagaalanaa oo xindhaa mashruucyadan iyo hawshan uu wado.Aniga waxba layma yeelin ee Somaliland shacabkeedii baa loo diiday horumarinta.

Wasiir Daacad ah , Muwaadin ah , Yaqaan shaqada iyo sida loo kala Sareeyo Iga gudoon Ismaaciil Salaan, kana raali ahow wixii aad kala kulantay xafiiska madaxweynaha.

 

Waxaa muraara dilaacay Wasiir Ismaaciil Muumin Aare oo islahaa qaranka ayaad wax usoo kordhisay, Muwaadinaw way xidheen mashaariicdaas iyaga oo ku doodaya in Somaliland aanay diyaar u ahayn in ay qabato maxaabiista Soomaliyeed madaama aynu kala nahay 2 Wadan oo kala Go,ay.

Runtii dhaqaalaha ay UNDP iyo UNODC bixinayeen waa run in ay ku xidheen in aynu Caalamka ka caawino ladagaalanka Budhcad Badeeda oo ah arin Global ah oo aynu ka mid nahay dawladaha ku bahoobay ladagaalanka Budhcad Badeeda, laakiin maadamaa aan wadan kale oo aduunka lagu xidhi Karin budhcad badeeda inaga ayaa fursadaas ka faa,ideysanay, waxaan inoogu jiray kaabe dhaqaale oo soconaya 5years Cadaaladda Somaliland wax weyn ka bedeli lahaa. Hadaba Rag Xuurto ku haysta madaxweynaha ayaa siday doonaan ka yeelay mashruucii wax ka bedelka iyo horumarinta Cadaaladda Somaliland, waxa ay noqotay meel toos u hoos tagta madaxtooyada .

Waxa ay furayaan wasaaradii uu saxiixay dhismaheed Wasiir Ismaaciil Muumin Aare ,laakiin waa sunaha dawladnimada in nin hawl uu qabtay ninkale ku suntanaado.

 

Waxaa keliya oo mashaariicdii ka hir galay Dhismaha Daarta Gudiga Cadaaladda, iyo dhismaha Wasaaradda Cadaaladda, waxaa joogsadey in la tayeeyo garsoorka iyo gudiga cadaaladda oo la sameeyo gudi tayo aqooneed leh oo hanan kara garsoorka, waxaa mashaariicdii dhismaha Xabsiga weyn qaadatay Puntland oo ka dhistay Garoowe ahna Xabsiga ugu quruxda badan dhulka Somalidu degto, hawshiina waxa ay ku dhacday Somaliland oo maxaabiistii waxaa la keenay Xabsiga Hargeysa laguna xidhay. Waxaan is weydiinayaa Maxaa loo ogolaaday markii danbe, ma horumarka Somaliland baa ladiidanaa? Maya waa uun Siyaasad rag ku guulaystay iyo Madaxweyne aan marnaba helayn xaqiiqda dhabta ah ee ay hayadihiisa shaqo fulinta ku sugan yihiin, kana qaata warbixinta 2 Wasiir qudha. Maahan Dacaayad waa xaqiiq muwaadin.

Shirkii 1aad ee dib u habeynta Cadaaladda Somaliland oo ay fadhiyaan Penalka Wasiirkii Hore arimaha gudaha Dr Maxamed cabdi gaboose, Gudoomiey Oomane, Wasiir Xussein oo weli aan shaqada la wareegin waxaanan seex 5 habeen in shirkaas hirgelo, waxaan jeebka ku haystay warqadii bedelka, waa taa Somaliland.

Waxa la keenay Wasaaradii Wasiir Xuseen Caydiid oo runtii doonaya in uu Cadaaladda Wax ka qabto waxa uu doontay Buugii la laalay , wax uu qabtay shirkii Cadaalada ee aan hore u qabanay mid la mid ah waxa uu isku dayey in uu Sameeyo Gudiga dib u habeynta Cadaaladda Somaliland ( Somaliland Judiciary Reform Committee) waxa uu gudigu ka koobnaa government, law professional, legal education and civil society organizations .oo ah Dawlada , Hayadaha Sharciga, Hayadaha aan dawliga ahayn.

Maxaa ka reebay Culumada Somaliland?Waa mawduuc danbe.

Hadaba ma shaqeeyey gudigani, jawaabta oo kooban waa maya, maxaa hortaagan in uu gudigan shaqeeyo? Yaa dabada Haya in aynu helno Cadaalad iyo garsoor tayo leh, 23 Sano Somaliland waxa ay ka cabaneysaa garsoorka maxaa sababay ?Maxaynu ka qaban karnaa? Su,aalahan oo dhan kala soco maqaalka xiga

 

 

Maxamuud Raage Ibrahim

Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani