Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo Saqdii dhexe xalay ku Qarxay Magaalada Muqdisho

NEWS

Warka laga helaayo inta u dhexeysa Isgooyska Debka iyo Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaasi oo halkaasi ku qarxay xilli Saqdhexe ee xalay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobtaasi ku baxay Ciidamada Degmada, Inkastoo aysan jirin Cid xiligaasi goobtaasi ku sugneyd hadana Ciidamadu weli ma aysan sheegin wax Khasaaro ah oo ka dhashay Qaraxa.

Goobta Qaraxa ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Saakay ay gaareen Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Degmada oo halkaasi ka sameynaayo Baaritaano, islamarkaana baaraya Qaraxa maadama xiliga uu Qaraxa dhacay ay aheyd wakhti aan munaasab aheyn marka loo eego Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa mid ka dhacay Garash ku yiilay dhagax-tuur, waxaana la sheegayaa in garaashkaasi uu ku jiray gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa sidaana uu gaariga ku qarxay.

Gaariga ayaa ahaa mid lala damacsanaa in lagu fuliyo Weerar ismiidaamin ah, hayeeshee cilad dhacday Awgeed uu ku dhex qarxay garaashka oo ku yiillay meel aan sidaa uga fogeyn Ex Shaleemo Hodan oo u dhexeysa Isgooyska Debka iyo bakaaro una dhow dhagax tuur.

La soco wararkeena dambi wixii faah-faahin ah.

Salaanmedia/Moqdisho