“Gobolka Sanaag waxa dayacay masuuliyii​ntii u dhashay ee Xildhibaan​ada lahaa, Xukuumadih​ii dalka soo maray, ” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA

maqaalWaxaan marka hore aad iyo aad u salaamayaa dhamaan shacabka Somaliland. Salaan ka bacdi, Waxaynu dhamaanteen ognahay in Gobolka Sanaag uu yahay gobolka ugu balaadhan dalka. Waxa uu yahay wax ka yar kala badh guud ahaan dhulka Somaliland. Hadaba, suaashu waxay tahay, maxay tahay sababta ay Xukuumadihii dalka soo maray oo dhami ay u dayaceen Gobolka Sanaag? Jawaabta su’aashaasi maa mid u taal shacabka reer Somaliland guud ahaan gaar ahaana shacabka reer Sanaag. Waxaynu wada ognahay in gobol kasta laga soo doorto goleyaal degaan iyo kuwo baarlamaan kuwaas oo ka masuul ah in ay wax ka qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobolka iyo guud ahaanba danaha gobolka.  Hadaba, maxay tahay masuuliyada saaran masuuliyiinta laga soo doorto gobolka Sanaag. aynu eegno.
Goleyaasha Deegaanka: Goleyaasha Deegaanku waa kuwa ugu horeeya ee ka masuulka ah in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira degmooyinka laga soo doorto. waxa looga baahan yahay in ay ugu horayn wax qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee degmooyinka sida biyaha, bilicda ama tayada deegaanka, tacliinta, caafimaadka iyo wixii la mid ah. Waxaa looga baahan yahay in ay xidhiidhiyaan isla markaana ay dhaqan geliyaan dhaqaalaha ka soo gaadha dawlada dhexe isla markaana ay dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan in mashaariicdii la fuliyay iyo in kale. Waxa kale oo looga baahan yahay in ay sameeyaan maamul wanaag iyo kala horaysiin marba awooda la saarayo sida ay baahiyihu u kala muhiimsan yihiin. Kale oo lagama maar maan ah in qorshe sanadeedka la sameeyo sanadka ka horeeya sanadka loogu talo galay isla markaana war bixin laga soo saaro wax qabadkii lagu talaabsaday sanad kasta. In qayb ka mid ah cashuurta degmooyinka laga soo ururiyo loo asdeeyo ama loo qoondeeyo gobolka iyo degmooyinka. In si cad loo soo bandhigo dhamaan qorsheyaasha iyo wax qabadka sanad kasta si ay dadweynuhu ugu xisaabtamaan masuuliyiintana loola xisaabtamo (Public Disclosure). Hadaba, Waxa cad in aan hawshaasi laga soo bixin loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada: gobol kastaa wuxuu leeyahay Xildhibaano laga soo doorto metelana Gobolka Sanaag gaar ahaan. Masuuliyada saarani waa in ay marka hore dalka oo dhan u shaqeeyaan guud ahaan gaar ahaana gobolkii laga soo doortay. Sidee bay ugu shaqaynayaan? Waa in ay u oleleeyaan sidii baahiyaha ka jira deegaanadii laga soo doortay loo dabooli lahaa. In ay u ololeeyaan in Xukuumada ama dawlada dhexe uga soo dhameeyaan mashaariicda gobolku uu xaqa u leeyahay. In ay Iftiimiyaan isla markaana tusaan dadka iyo Xukuumadaba baahiyaha ka jira gobolka. Waxaa cad in tan iyo intii la doortay xildhibaanada ka soo baxay gobolka Sanaag aan maalin keli ah la arag iyagoo ka hadlaya baahiyaha ka jira gobolka.

 
Xukuumadihii Dalka Soo maray: Waxa la odhan karaa waxay ka qabteen gobolka Sanaag aad iyo aad ayay u yartahay. Xukuumadihii dalka soo maray waxay ka hagradeen in ay xitaa si fiican u maamulaan xitaa cisbitaalka kali ah ee gobolku leeyahay oo maalina la xidho maalina furan. Waxaana waxaas oo dhan ugu wacan iyada oo ay ka aamuseen masuuliyiintii gobolka u dhalatay ama laga soo doortay. Hadaba, Waxaynu dhawri doonaa dedaalka ay Xukuumada Axmed Maxamuud Siilaanyo ugu jirto in ay wax ka qabato Gobolka oo ay ugu horayso Wadada Isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Qoraalkan waxaan uga dan leeyahay bal in inuun lagu baraarugo dib u dhaca balaadhan ee ka jira Goblka Sanaag.
Alla Mahad Leh;
Maxamed-Nasir M Dhoore
Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA
Minneapolis, MN.