Golaha guurtida oo Silaanyo dabada ka riixayo ayaan dan ka lahayn in beelihii lagu noqdo oo Somaliland burburto by Abdi Mustafe

maqaal
Golaha dalka kha-khalka geliyaa waa Guurtida oo ay uugu horeeyaan Suleiman gaal,
Abdi Waraabe, Dhugad,  iyo mid aan isagu Somaliland dan ka lahayn oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtida somaliland Siciid Jaamac.
Silaanyo taladiisu waa, walee ama mudada la ii kordhi ama Somaliland daadku qaad
Guurtidu iyagaa ku shaqeysta mudo kordhiska oo madaxtooyada lacag kaga qaata isla markaana doona in ay sii joogaan oo dadka isku dira oo diida in aan doorasho qabsoomin. Maantana ayay uugu talo xumaayeen oo ay yidhaahdeen dalka oo dhan doorasho kama qabsoomi karto. Ma awal bay ka qabsoomi jirtay. Guurtidu waxay leeyiin horta dagaal ha lagu qaado beelaha degen si dalku u bur-buro. Golaha Guurtida ha laga bad baadiyo Somaliland jititaan keeda. Maxay se uuga hadli waayeen intii goori goor ahayd. Guurtida shicibku ha iska ceshaan oo yaan dalku u baabi’in odayaal waaqtigoodii soo qaatay oo ka dadka kalena doonaya inay ku darsadaan. Mida kale waa khiyaama dacawada Silaanyo sameeyo oo shalayna wasiirda ayuu ka saxeexay in xeerka diiwaan gelinta la dhameeyo maantana wuxuu soo adeegsaday golihii guurtida ee Riyaale u kordhin jiray oo waxay macno le kumay hadal sababtoo ah ma hayaan aafo doorasho loo qaban waayo.Suleiman gaal waxba yuu is qarin ha ogaado in aan la yeelayn in laba nin oo ilmaadeer ihi kolba mudada isu kordhiyaan waana wax laga xishoodaa.
abdi_mustafe123@yahoo.com
Abdi Mustafe