Hadalada lama filaanka ah ee ka soo yeedhay Wasiirka warfaafinta Qalinkii: Injineer Cali Ahmed Musa

Cukusee

Marka hore waxaan salaam diiiran hawada u marinyaa wasaydyada madaxa banana iyo dhamaan dadweynaha reer Somaalilaand meelkasta oo ay joogaanba.

 

Intaa kadib aniga oo tixraacaya warbixin uu sameeyey wasiirka warfaafintu oo uu ku cadeeynayo in ay ka goantahay xukuumada Somaalilanad in mudo korodhsiima ah loo sameeyo Madaxweynaha marka ay ka dhamaato mudadiisa distooriga ahi. Iyada oo aanay jirin wax mashaakil ah ama xasiloonidaro ah oo dalka ka taagane oo sababikarta in koodhsiimo loo sameeeyo madaxweynaha.

Wasiir cukuse waxa uu ku eeddeeyey godoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani in aanu ka hadli Karin go’aanka xukuumada ee ku sabsan mudo kordhinta Madaxweeynaha, isaga oo sabab uga dhigaya in uu isba hayey gudoomiyanimada golaha mudo ka badan tii distooriga ahayd. Haddaba hadii aynu eegno sida sheekadu u socoto waxaad mooda in aan distoorkaba aanay cidi ku shqayneen ee ay tahay sheekaduba mid la mid ah islaantii tidhi caanaha cadaantoodu alley ku xidhantahay badidooduna aniga. Hadaba hadii kii kursi fadhiistaba uu doono in uu isagu go’aaminkaro mudada uu kursiga fadhiyayo maxay tahay sababta aynnu distoorka u samaysanay, mar hadii aanay cidiba ku shaqyneen. Dhinac kale hadii aynu ka eegno sheekada mar hadii aanay cidiba xisbiga gudihiisa madaxweeynaha cidiba kula tartamayn ma waxa jirta dareen kalsoonidaro ah in aanu Madaxweynuhu ku guulaysan karayn doorasho danbe hadii dooorashada la qabto wakhtigeeda distooriga ah. Bal haddaba wasiirku ha qanciyo ummadda sababta keentay korodhsiimada.

Waa Qalinkii: Injineer Cali Ahmed Musa
Email: golwaraabe@yahoo.co.uk