Haloo Maalin Tiriyo Siilanyo ! Haa Doorasho ! Haa Dawlad Loo Dhan Yahay .

Haloo  Maalin Tiriyo Siilanyo !  Haa Doorasho ! Haa Dawlad Loo Dhan Yahay .
Siilaanyooo
Markii is bedal doonkii Siilanyo dalka Madaxwayne ka noqday  26 june 2010 waa la soo dhaweeyay iyada oo   loo arkayay waji cusub oo rajo  u ah siyasada somaliland in uu ku soo kordhay .
Halkan waxaa tagnaa Madaxwayne aqoon yahan ah,  lagu tuhmayay in ay u dheer tahay rug cadaanimo iyo waayo aragnimo siyaasadeed oo uu xilal kala duwan ku soo qabatay ,hormar u horseedi kara xisbigiisa iyo dalkan qarnigan 21aad.
Laakin maanta waxaan ognahay oo laga dhergsan yahay  waxa  ku dhacay rajadaa fiicnayd  iyo filashadaa.
Afartan meeyo sanadood oo xidigta  Siilanyo la yaqanay ama la arkayay waxaad  u mooda inay maanta u liiqday halkeedii  ugu hoseeyay soona kacayn Xusuus reebna u noqday wax la odhan karo uun afka qalaad ( THE ULTIMATE political morality tale )  iska daaye aan  lagu xasuusan doonin in khibradisii iyo aqoontisii in wax lagaga dhaxlay ama umadan wax uun uga reebay .
Laakin se uu dalka ku reebay aafo qabyaleed uu ku  kala furfuray ummada min bari ilaa galbeed taasina maanta ay keentay in dadkii ay u muuqan la haday wax wada la hanshahii ood arkayso in  waxii ugu dhibta yara ee dad u arki kari lahayeen in ay ka dhaxayso ama wada leeyihiin  ee wado  ahayd iyo iwm in maanta ay socoto in laysku eryo . Oo mid kale oon laga fiirsan qorshe waqtiyan  iyo dhaqan dhaqaale   la dhinac eryayo tii hore ee la dhagax dhigay.  Inoo dheer tahay musuqmaasuq iyo boob eexaysi ah  iyada oo maanta la ogyahay dalka in  marxaldasii dhaqandhaqaale  halka uu marayo. 
 
Mudananteeda runtii aan odhan karo waxaa leh Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi oo markuu ugu yaraa dhagaha shacabka gaadhsiiyay in miisaniyadii kordhay oo intaasna ku koradhay oo maanta hooyada iyo muwaadinka canshuur bixiyha ahi  ogyihiin taasina macne wayn ugu fadhido oo u saamixi kara maalin in  ay kula xisaabtami karaan  inta u suxul xaadatay boobka hantida umada. 
Iyna  indhaheena waxaan ku aragnaa maanta kaalintii international communitygii iyo duwalkii  aan deriska la ahayn  oo walaac badan ka muujinya geedi socodkeena kalsoonidii wada shaqayntiina dhimay ama  meesha ka saaray weligeeda Ina Warancade hasii socdo oo soo socdo.
Taas oo ah mid siyaasadeed ahaan gudo iyo dibadba dhawac inagu ah wax badna inagaga lumayaan  iyada oo laga wada dhereg sanyahay danaha dhaqan dhaqaale ama siyaasad ee isakaga keen xidhan deriska iyo rayal caalamka kale . 
Dabcan rixlada ah   rajo filashada hogaankaga madaxwaynanimo  in bulshadu kaa filaysay rajo iyo hiigsi in uu  isku badalo ama ku dhamaado  hal bacaad lagu lisay waaba waxa la odhan karo waa mid macruuf ku ah sunnaha siyaasada sideedba  oo kumaba koobna Siilanyo gaarna loogu nisbay karo . 
Se isaga maxaa u dheer oo tani ugu tahay   Siilanyo mid  u gaar ah ama extraordinary oo uu kaga duwan yahay  kuwii ka horeeyay. 
 
Waa  halkaa uu ka qabtay ama ka  qaaday oo ah in uu ka nasiib badanaa sadexdii   Madaxwayne ee hore  dalka u soo maray oo isagu dheeryahay inuu mulkiyay hanaan iyo dawladnimo wada socoda oo hirgashay awood ahaan, fiday  maamul ahaan , dadka iyo dalkna  xanjadii  isku haysay adagtay oo wax wada lahaanshahii iyo ilaashigeediiba loo soo wada  dan jeeday .
Tan  oo ahayd qodabkii ugu muhimsanaa ee Madaxwayne Riyaale ugu soo hal qabsaday  Siilanyo maalintii xilka ku wareejinay  waayo wuu ogaa xajimiga waxa uu wareejinayay waxa uu yahay iyo macniyan waxa uu asaas ahaan yahay . 
Taas oo  macnaheeduna ahaa sidaa uu u dhigay ee dal iyo dad is haysta se la ogaa dhaqaale ahaan sida uu yahay oo xaalado badan lagu soo  kala  dhaxlay .
Waxaa uun  iyna xusid mudan in la xasuusto  sidan oo kale  1984  inuu Siilanyo markii hogaanka SNM lagu wareejinay ka nasiib badnaa maalintaana labdii gudoomiye marxuun ee  ka horeeyay,  maalintaana loo dhiibay ciidan iyo hogaan dhan oo  ilaa min galbeed ilaa min bari ka dagalama, iskugu filan dhaqaale abaabul, xeryo fidsana leh oo ilaa cidhif yaal Somalilandta maanta ilaa koonaha Ethopia ah.
Iyana waa la ogaa hogaanimtisii waxay  ku soo ururtay iyada oo ay igu mudan tahay in  lagu xasuusto in ay ahayd  bilaawgii lunsigii ugu badnaa ee hantidii umadeed iyo ku takrifalkeedii taas oo keentay isamin laan iyo kala shaki gudo iyo dibadba leh saamayn wayn ku yeelatay gudahii iyo sidii wax loo waday khilaafkii ka soo abuurmayna noqday mid gudha lala soo galay markii danbena noqday kii ragaadiyay geedisocdkii iyo hirgelintii maamul  . 
Maahmaah Somaliyeed Baa Tidhaah Dadku Wuu Dhintaa Taariikhduna Way Hadhaa !
Intaas oo dhan Waxay   Siilanyo taarikh  u hadhay  ka dhigtay in uu noqdo Somalilandta cusub  hogaankii gud ahaan min bari ilaa galbeed  kala fujiyay xanjadii umadda  ilaa  la odhan karoba soo dhaaf oo   intii ugu dhawaan jirtay beri   maanta yihiin kuwa ugu fog waxuu yidhaahdana  aan eray ka aaminin.  
Sida   uu  ku socdna   ilaa inta doorasho kale laga gaadhayo sanadka danbe la arki doonoba  iyada oo aan saaxib iyo qof u dhowba ku soo hadhin xiiso iyo waayo waayo uun yihiin   jawigii 26 jun 2010 iyo  dhararahii ka horeyay.  
Kaalinta International Communityga 
Waxaa cad in maanta jawi cusub Somaliland gashay  loona baahan yahay in dadka shacabka ah si wacan loogu wacyi geliyo xaaldan sideeda  lagana ilaasho waxii khalkhal ku keeni kara taas oo ah mid ay u jilicsan yihiin iyaga oo ay ku yaalan nabaro caabuq ah oo aan afartii sano ee Siilanyo la dhayin iyada oo dawlada Siilanyana fursad kale oo dheerad ah u aragto oo ay ku sii kala fogayso lala kaashanayo international communityga in ay kaalin ku yeeshaan sidii loo heli lahaa in  dalkan doorasho cadli ah uga dhacdo.
Xataa weli daruuri tahay   ama lagu dhiirado in la helo  cid sadeexad  oo dhexdhexaad ka ah oo qabta doorasho  hadii ay meesha kabaxdo kalsoondii dawldanimo lagu qabi karay  iyo commission.  Waayo siday tahay laguma aamini karo masiir intaa leeg oo kala guur keeni kara dawlad  maanta dadku is waydiinayaan cida taladeedu iyo goaankeedu gacanta ugu jiro ama ka shakisan yihiin.
Waxaa mudan in lays xasuusho   kaalintii waafiga ahayd ee international communitygu ku lahayd in Daahir Riyaale doorasho qabto xilkna wareejiyo si toos ah.  Maanta waa lugta lugteedii se waxaa looga fadhiya Axsaabta qaranka, ururada bulshada iyo inta jecel Somalilandba in ay maanta cod dheer ku yidhadaan haa doorasho aan kordhis lahayn, la bisleeyo daneeyasha caalamka taasna looga fadhiyo axsaabta iyo intay qusayso 
Hadii kale haa Taladii in  Geedkii  laguu cesho halkudhigeenuna yahay SAVING SOMALILAND  HAA DAWLAD LOO DHAN YAHAY….
Farax Colow Maxamed
Academia
NorwayÂ