Hambalyo Hambalyo xisbiyada mucaarad ka ah Waddani iyo Ucid iyo Madasha wada tashiga by Abdi Mustafe

ucid
Hambalyo Hambalyo in Waddani + Ucid + Madasha wada saxeexateen hadii doorsho xiligeeda lagu qaban waayo aa samaynaysaan xukuumad loo dhanyay oo dalka doorasho ka qabata. Xaq baa ku dirireysaan waana ka guuleysanaysaan dowladan dulmiga ku dhisan ee tii laga dagaalamay ka foosha xun ee dalkii ku dumay.
Maxaa Siyaad Barre loo ridaayay hadii Silaanyo laga yeelayo in uu mudada kordhisto oon dastuuri ahayn. Diktator danbe ummadu yeeli meyso ee Silaanyo midhkaa ha loogu dhaarto. Silaanyo waa ku ceeb in uu maanta ka fikiro dalku siduu ku dumi lahaa oo uu yidhaa xoog baan kursiga ku fadhiya yaa. Siyaad barre oo ciidan nooc walba heysta ayaa taa sameyn kari waayey oo hadh cad Tanki intuu dhex galay Xamar lagala baxsaday. Silaanyo na haduu diido doorasho car yaan la arkin isagoo xuduuda ka baxaya oo London heybsanaya. Silaanyo should not under estimate the will of the people. Silaanyo haduu ka baqayo doorashada oo uu ogyey in aannu taageero ku filan heleyn dabeed yuu qasab ku xukumayaa. Silaanyo in uu ka shaqeeyo sidii Somaliland ku dumi lahayd maaha.
abdi_mustafe123@yahoo.com
Abdi Mustafe