Hungadda Hoggaamineed ee Somaliland Iyo himilada hogaanka wanaagsan: Qallinkii: Mohamed Abdikarim Omer-

Hungadda Hoggaamineed ee Somaliland Iyo himilada hogaanka wanaagsan: Qallinkii: Mohamed Abdikarim Omer-

Maxamed-Cabdikariim1Waa qormooyin Taxane ah oo aynu ku lafa guri doono, hogaamintu doorka ay ku leedahay horumarka umadi gaadho, waxaynu tusaalooyin u soo qaadan doonaa waddamo badan oo ay horumariyeen hogaamiyayaashoodu, iyo kuwa badan oo u dhantaalan hogaan xumo, Qaarada africa iyo Qaybo ka mida Assia waxaa lagu tilmaamaa Dunida saddexaad, dhibtuna waxay ka haysataa helida hogaan wanaagsan oo ka saara, faqriga, collaadaha, kalidii talisnimada, cabudhinta saxafada iyo xoriyatul qawlka-Waxa igu kalifay markaan arkay hungadda hogaamineed ee madaxdeena si aynaan u galin qalad kale, waa qormo ah wax sheeg iyo gubaabo oo u baahan inay dadku dhugtaan lana wadaagaan eheladooda

Waxay Inoo maraysay markaynu ka hadlaynay muhiimada ay hogaaminta u leedahay talo galintu iyo tala waydiintu, sidoo kale waxaynu soo qaadanay xaddiis aynu ku muujinayno siduu nabigu CSW asxaabtiisa talada uga dhagaysan jiray, dagaalkii badar Markii muslimiintu ay tageen ceelkii Badar, Saxaabi la odhan jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yidhi “ Rasuul Allow ma ilaahay ayaa ku amray inaad goobtaan degto, mise waa xeelad dagaal. Markaasuu rasuulku yidhi SCW Mayee waa xeelad dagaal, Saxaabigii wuxuu talo kusoo jeediyey in Ceelka Biyaha la qabsado oo muslimiintu ay ka cabaan gaaladana laga haraadiyo” Markii gaalada laga qafaashay 70ka maxbuus, wuxuu asxaabta ka talagaliyey sida laga yeelayo. Talooyinka uu la wadaagay asxbaatu waxay ka mid ahayd sababihii guusha keenay Duulaankii Badar marka laga yimaado Nasriga Allaah uu siiyey Muslimiinta.

Eebe si uu aadamaha u fahansiiyo muuqaalka iyo qaab-dhaqanka hoggaamiyaha saxda ah wuxuu u soo direy hogaamiyayaal ama nebiyo uu ugu danbeeyay Nebi Muxamed (Csw), Sidoo kale Quraanka dhexdiisa waxa lagu xusay qisas (sheekooyin) hogaamin oo cibra qaadasho mudan. Sida mufasiriinta qaaarkood soo guuriyaan afar sifo oo hoggaamin ayaa quraanka laga dhex fahmaa oo kal ah, Eebe isu dhiibid buuxda, anshax wanaagsan, dhammaystirnaan dadnimo iyo isu-dheelitirnaan maskaxeed iyo jidheed.

Nabigu SCW wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waynaa ee abid dunida soo mara, hadii taariikhdiisa ay akhrin lahaayeen madaxdeenu wax weyn ayaa iska badali lahaa, wadankana ka badali lahaayeen,

Mohssin (2007) wuxuu sheegay in hoggaaminta islaamku ku kooban tahay saddex arrimood: 1- wada tashi, 2- awood ama karti wax qabasho (competence) iyo 3- cabsida Eebbe (taqwa). Haddaba waxay culimadda kala duwani qirayaan inuu xidhiidh togani ka dhaxeeyo hoggaaminta Iyo Da’ada, in badan waxay ka siman yihiin culimada islaamku ama quraanka iyo axaadiistuba tabinayaan, in hogganka muslimka ahi yeesho karti iyo awood hoggamineed iyo Jidheed oo uu wax ku qaban karo, Da’ada ugu haboon ee hoggaan umadeed lagu dooran karaa waa 40jir ilaa 63 Jir, Tusaalena waxa inoogu filan Nabigeenii Muxamed SCW, waxyigu wuxuu ku soo daggay 40jir markuu ahaa, waxaana la oofsaday 63jir, Dhaakhaatiirta iyo Culimada ku takhasusay cilmu nafsigu waxay isku raacsan yihiin, in da’adu ay door muhiima ku leedahay hoggaminta hoggaamiyaha, 63jir hoggaamiyaha ka wayni wuxuu la daris yahay xanuuno badan, ilawshiyo, tabcaan iyo caajis, waa fadhi ku taliye, Qofka da’adani gaadha waxaa loo tixgaliya in loo magaacaabo la taliye, si looga faa’idaysto khibradiisii shaqo, inta badan waddamada aanay boqortoyooyinka iyo kalidii talisku ka jirin looma ogolaado inay hoggaamiyaan qof aan loo nisbaynayn cilmi iyo awood jidheed duruufo adag oo keena mooyaane.

Al Mawirdi(374-450) wuxuu tibaxayaa shuruudaha qofka noqonaya Khaliifada (Hoggaamiyaha), waa inuu ku sifoobo, Caddaalad, Aqoon gaadhsiisan heer uu isbadal samayn karo, Dhammaystirnaan jidh,maskax ahaan iyo awood ahaanba, xeeldheerimo arrimaha siyaasada , aqoon u lahaanshiyo dadka uu hogaaminayo dhaqan ahaan iyo baahi ahaanba iyo geesinimo,

Ibnu-taymiya (1300) Wuxuu sheegayaa in qof aan lahayn awood hoggaamin iyo shakhsiyad (integrity) aan loo dhiibin hoggaamin ummadeed. Khalduun (1377) dhinaciisa, wuxuu soo bandhigay in hoggamiyaha laga eego afar sifo , Aqoon, alle ka cabsi, Wax qabad(effectiveness) iyo caafimaad qab. Ibnu Xibbaan, mar uu ka warramyey sifooyinkii hoggaamin ee cabdurraxmaan ibn mucaawiya, wuxuu sifooyinkiisa ka mid dhigay: dhowrsoonaan, cilmi, aragti-dheeri, geesinnimo, af-tahannimo, naxariis, debecsanaan iyo go’aan adayg. Al-tartouchi(2005) wuxuu soo bandhigayaa in hoggamiyaha laga helo saddex dabeecadood; Naxariis, la tashi, iyo in uuna magacaabin qof awood raadis ah.

HadabaHaddii aad taariikhda dib u raacdo, guulaha iyo guul darada saameeyay umadaha dunida, badakood waxa ka mas’uul ahaa hal shakhsi ama hoggaamiye. Dawladaha hore u marey ee adduunka majaraha u qabtey, waxay ku caano maaleen hogaamiyayaal aragti wanaagsan kuna sifoobay in badan oo ka mida sifooyinka sare ku xusan. Umadaha dib u dhaceyna, talo hoggaamiye xun ayaa dib u dhacaa u keeney. Hadaba su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay, dhismayaasha dabaqyada dhaadheer, guubaabadda bulshada isku duubnideeda iyo waliba daacad u noqoshada maamulka jira ma tahay jidka lagaga saari karo Umadda faqriga, gaajada, tahriibka,korna loogu qaadi karo aqoonta, wadankana lagu gaadhsiin karo horumar iyo badhaadhe.haddii aaney barbar socon hogaamin aragti fiican oo garanaya hayaanka uu umadda u rarayo.

Hoggamintu doorka ay ku leedahay koboca dhaqaale iyo horumarineed ee wadan ku talaabsado wax ka marag kacaya Markaad aragto Waddamo waawayn baaxad ahaan, Dad ahaan Iyo Khayraad ahaan oo ay Quudinayaan Waddamo yar yar, Tusaale Waxaa inoogu fillan, Waddanka Singapor, Waddan ahaan waa waddan dhulkiisu yar yahay, Dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 5 million oo laba million ajanabi yihiin, waa wadan aan lahayn khayraad dabiiciya, haday tahay macdan, shidaal iyo waliba dalag beeraad, waddankani wuxu horumar ka sameeyay adeega baananka, dekadaha, diyaaradaha, waxbarashada, isgaadhsiinta, caafimaadka, shaqaalaha, siyaasada, technologyda iyo waliba Tamarta waa wadan isku filnaansho gaadhay oo ka mid ahaa dunida Saddexaad imikana ka mida dunida koowaad, 1960kii ilaa 1965tii, Waddamada Singaboor, Nigeria,Madagascar, Kenya, Kuwait, Malaysia South Africa Iyo Soomaaliya, waxay ahaayeen kuwo duruufahooda dhaqaale isku dhawyihiin, waxay ku hoosjireen guumaysi, qarankoodu wuxuu ahaa yagleel, maylahayn khibrad badan umana carbisnayn dhismaha qaran, Waxay ku kala nasiib bateen hoggaanka ay heleen, Nigeria waxa ku nool 168.8 Million qof, dhul balaadhan ayuu ku fadhiyaa, waddankuna wuxuu qani ku yahay khayraad dabiici ah hadday tahay batrool iyo macdanba, Waxa afganbi ku qabsaday markii ugu horaysay Johnson Aguiyi, waddankani wuxuu la kowsaday qalalaaso siyaasadeed iyo afganbiyo military, halka Waddanka Singapore uu raysal wasaare ka noqday Lee kuan yew oo lagu naanayso aabaha Singapore, waddankii wuxu ka dhigay qani, dadkiisiina wuu mideeyay, wuxuu la yimid aragtiyo cusub oo siyaasiya wuxuu abuuray barnaamijyo cusub oo horumarineed sidoo kale Waddamada Horumaray ee xornimadooda helay Mudo danbe waxa ka mida, Qatar, Burnie, oo hogaamiyayaashoodu horumariyeen

Horumarka Uu qaran Gaadho Kuma xidhna inta uu baaxad dhul ku fadhiyo waddanku, Inta dadkiisu tiradiisu tahay, inta khayraad ku jira wadanka, Halkan waxaad ka fahmi karaysaa in qaran yar dhul ahaan iyo dad ahaanba uu ka horumar sanaan karo Waddan ka wayn, kana khayraad badan,.. Waddanka Masar Waa wadan xadaarado guuna leh, Dadka Ku nool waxa lagu qiyaasaa 86 million,waa wadan baaxad balaadhan oo dhul ah ku fadhiya, waxa mara wabiga nileka waxaana laga beeraa dallagyo kala duwan, Nasiib darose, waddankani waxa la daadagay hoggaan xumo.. waddanka awoodaa leh waxa markii kacdoonadu ka bilaabmeen ee lagaga soo horjeeday hosni mubarik, waxa wadanka soo food saartay macaluul ay sababtay qul qulatooyinkii wadanka kasocday oo hoos u dhigay helitaankii maceeshada, waxaad arkaysay inay quudinayeen Imaaradka carabta iyo Qatar oo ay masar ku soo libin laabmayso dhul ahaan iyo dad ahaanba…. Dadku sikastoy u badan yihiin hadii aanu dadaalka shacabka ka horayn kana danbayn hoggaan aragti fog leh , dadaalka shacabku wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisay. Cali Seenyo Waakii lahaa ‘Qoom hoggaan xun Iyo Qoys Hooyo Xumi midna ma hanaqaado’, Muwaadin ma fahantay doorka muhiimadeed ee hogaanku u leeyahay inaad ka mid noqoto qaran aduunyada la jaan qaada, ma fahantay beerlaxawsiga siyaasiyiinta reer somaliland ee ku dhisan midnimada dadka hala ilaaliyo, dawlada haloo dhago nuglaado iyagoo ku asturaya iinta hogaamineed ee ay leeyihiin….

Lasoco Qaybta 3aad