Isu soo dhawaansho dhex mara M/weyneha iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu halis ku yahay Taageerada Xukuumadda iyo Xisbigeedaba!!

Isu soo dhawaansho dhex mara M/weyneha iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu halis ku yahay Taageerada Xukuumadda iyo Xisbigeedaba!!

 MAQAAL

Waxa xusid mudan in Maxamed C/llaahi Cumar oo maanta baryootamaya oo dani dib ugu soo celisay Madaxweynihii uu inagu yidhi fikirkayagu wuu kala duwan yahay, dalkana kama taliyo oo rag wasiirro ah ayuu u afduuban yahay, inuu manta gacan hoorsi iyo baryootan bilaabo, isagoo mar ahaan jiray gacanta midig iyo qofka ugu dhaw Madaxweynaha (marka laga reebo Marwada 1-aad). Waxa xusid mudan inuu ahaa ninkii sida weyn uga shaqeeyey in Muuse Biixi gebi ahaanba la qadiyo oo aan lagu soo darin Golihii Wasiirrada markii Xukuumaddu hoggaanka dalka la wareegtay, waxaana  beddelkii Muuse Biixi galay Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Gaboose.

 

Maxamed C/llaahi Cumar wuxuu kow ka ahaa ragga “Xukuumadda baadida la day-dayayey balse aan doonahayn inay hesho daa’im abidkeed.” Waxa jirtay inuu beryo ahaan jiray gacanta midig iyo masuulka uu Madaxweynuhu ugu kalsoonida badan yahay, Gobollada iyo Degmooyinka Dalkana si weyn baa looga aaminsanaa oo waxa la moodayey aqoonyahan da’ yar oo siyaasadda mustaqbal fiican ku leh. Maxamed C/llaahi Cumar waa nin aan ehel, qaraabo iyo rafiiq midnaba aan u roonayn oo mar walba gashada shaadh la midab ah meesha ay dantiisa gaarka ahi ku jirto. Wuxuu ka soo jeedaa beelaha dega Gobolka Gabiley oo Siyaasadda Somaliland saamayn muhiim ah ku leh, balse Maxamed C/llaahi haba yaraate wax sumcad, sharaf iyo taageero ah kuma laha beesha uu ka soo jeedo.

 

Waxa munaafaqnimo, meel ka dhac iyo wax laga xishoodoba ah in Maxamed C/llaahi inuu ummadda reer Somaliland isaga dhigay nin mabda’ iyo afkaar uu aaminsanaa ay Madaxweynaha isaga horyimaaddeen. Waxa nasiib darro ah in uu xumaan ugu abaal guday Madaxweynihii isaga soo saaray ee sharafta huwiyey wuxuuna qabyaalad iyo il-maadeernimo ku raacay Muuse Biixi. Waxaan anigu aad ula yaabay M/weynaha iyo dadka ka ag dhaw ee maanta haddana mar kale dib ugu noqonaya siday u dibin daabyada uu ninkani kula dhex jiray golaha Xukuumadda iyo dagaalka uu waqtiga dheer kula jiray??!! Maxamed C/llaahi, markii la magacaabay siyaasiyiin cul-culus oo ay gobol ka soo wada jeedaan sida Boobe Yuusuf Ducaale iyo C/casiis Maxamed Samaale ayuu bilaabay hinaase iyo masayr iyo inuu ka shaqeeyo xumaanta iyo xagal-daacinta M/weynihii isaga sharafta iyo karaamadaba huwiyey.

 

Maxamed C/llaahi waa isaga ninka luggooyey ee jarka uga tallaabsaday Muuse Biixi, sla markaana iska dhaadhiciyey in Muuse Biixi noqon doono Madaxweynaha JSL, isaguna uu ahaan doono gacantiisa midig, taasina waxay markhaati ka tahay rajo la’aanta uu siyaasadda ka qabo. Waa isaga ninka Muuse Biixi lug-gooyey ee mar walba talada qaldan siin jiray ee ku yidhi: “Mar haddaad hoggaankii Xisbiga hantiday, ku dhawaaq inaad tahay Murashax, isla markaana aad M/weynaha hadda fadhiya kula tar-tami doonto golaha dhexe ee Kulmiye.” Isagaa ka dambeeyey inuu Muse Biixi diido go’aankii Shirguddoonku ku soo Xuleen Golaha Dhexe. Markii uu Muuse isaga taageeradiisa iyo inuu is garab taago u baahnaana waa kii BRAZIL ugu dalxiis tagay Tigidh ay Soomaaliya siisay, haybaddii Qaranka Somaliland-na dhaafsaday marti-qaadkii FIFA ee uu ku matalayey Soomaaliya.

 

Haddaba, nin aan lahayn wax lagu raaco dhan kastooy tahayba, ka leexday dariiqii Xukuumaddiisa, ka horyimid nidaamkii dawladnimada ee kala dambaynta, ka fallaagoobay Gobolkii, Degaankii iyo beeshii uu ka soo jeeday, waqti dheerna dedaal ugu jiray sidii uu uga takhalusi lahaa Madaxweynihii isagaba soo saaray; waxa is-weydiin leh muxuu haatan ku soo kordhin karaa Xukuumaddii uu ka fallaagoobay ee uu cayda iyo cambaaraynteeda meel walba ka riday?? Waxaa xaqiiqo ah inaanu Maxamed C/llaahi Xukuumadda u soo kordhin karin wax taageerayaal ah ama cod ah, kuwo isaga daraadii Xisbiga iyo Xukuumada uga soo horjeesta mooyaane. Isu soo dhawaanshaha la leeyahay wuxuu dhex maray M/weyneha iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu halis iyo khatar weynba ku tahay luminta Taageerada Xukuumadda iyo Xisbigeedaba, gaar ahaan taageerayaasha baaxadda leh ee ay Xukuumaddu ku leedahay Gobollada Gabiley iyo Awdal. Gobolladan oo aan laga jeclayn isaga iyo saaxiibkii Muuse Biixi toona.Waxa loo baahan yahay inay ummaddu fahanto inuu Maxamed C/llaahi isagu kow ka ahaa burburka iyo khilaafka aan dhammaadka lahayn ee Xisbiga Kulmiye illaa hadda ka dhex taagan. Ku soo laabashadiisa golaha Xukuumadduna xumaan ay beerto mooyee marnaba xal keeni mayso.

 

Maxamed C/llaahi waxay dadku ku xasuustaan:

  1. Inuu ahaa ninkii bur-buriyey ee isku diray bah-wadaagtii Xisbiga Kulmiye iyo beelaha laf-dhabarta u ah guusha iyo taageerada Xisbiga ee dega Bariga Burco iyo Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa ee ku nool dalkan ingiriiska.
  2. Inuu ahaa ninkii xukuumadda ka hor keenay ee sumcad xumada uga soo hooyey gobollada dalkoo dhan, siiba gobolka Gabiley, maadaama uu iskala weynaa ummadda reer Gabiley, gaar ahaan kuwa aanay dantiisu ku jirin.
  3. Hab dhaqankiisii ahaa kelidii danayste-nimo, xin, xaasidnimo, isla weyni iyo ballan been ah.
  4. Waa wasiirkii ugu liitay ee soo mara Wasaaradda Arr. Dibedda JSL.
  5. Inuu ahaa ninkii burburiyey “Somaliland Diaspora Agency”. Haya’ddaasoo Muhiim u ahayd danaha, isku xidhka iyo Xidhiidhka Qurba Jooga reer Somaliland ee baaxadda leh.
  6. Waxaa lagu xasuustaa sida uu ula dhaqmi jiray Wasaaradda Arr. Dibedda iyo Shaqaaleheedaba. Wasaaraddu waxay ahayd meherad uu leeyahay oo uu siduu rabo ka yeeli jiray. Isaga isu ahaa min biyatooni ilaa wasiir, foojarada isku saxeexi jiray shaabaddana jeebka ku qaadan jiray.

    Yuusuf Cali Maxamed

  7. London
  8. yuusufmax@gmail.com