MA DOONAYSAA INAAD DAYAXA AMA NORTH PLOE KA DHUL KA IIBSATO ?

MA DOONAYSAA INAAD DAYAXA AMA NORTH PLOE KA DHUL KA IIBSATO ?

maqaal
Shirkadda la yidhaahdo caliweli company  ayaa waxay dhul ka iibinaysaa north pole ka dhulkaas oo qiimihiisu yahay 100 dollar , waxaanay kaaga dhisaysaa makhsin iyo fadhi ku kacaaya 1000 dollar  , waxaana intaa la socda dhalasho iyo BAASAABOOR ay laydaha JAMHUURIYADDA halkaa ka talisa ee layidhaahdo ( JAMHUURUYADDA CALIWELI ) , waa jamhuuriyadda qudha ee noth pole ka ku taalla , waxaana laga helidoonaa mustaqbalka soo socda DAHAB ku jira badda hoosteeda , waxaanay jamhuuriyaddu ku dul taalaa BARAF fadhiistay , markaa marka barafka la dhaafo , ee badda la dhaafo ayaa la helayaa dahabka .

Shaqooyin badanina waa laga helayaa , marka laga reebo shaqada zaciimka dalkaa (aayatulaa caliweli) , oo ah aasaasaha jamhuuryaddaa(caliweli) iyo sharci dhigaha iyo dastuurka dalkaaba , laakiin sharciga dalka wuxuu qof kasta oo muwaadin ah u ogol yahay inuu noqdo wixii uu doono .
Shacabka jamhuuriyadda caliweli wuxuu doortaa baarlamaan , muddadiisu tahay sannad qudha , baarlamaankuna isagaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iska doorta , (madaxweynuhuna isagaa baarlamaanka wasiirada ka doorta , muddadoodu tahay sannad qudha ) , markaa xilku waa wareegto .
BAASAABOORKA jamhuuriyadda cali weli waxaad ku tegi kartaa JAMHUURIYADDA DAYAXA ee la yidhaahdo iyadana JAMHUURIYADDA CALIWELI EE DAYAXA .
Jamhuuruyadaas oo dhawaan uu wefti ka iman doono somaliland , halkaas oo laga qaadi doono ciddii doonaysa inay DAYAXA u dhoofto , waxaana laga doonayaa qofkii doonaaya inuu DAYAXA u dhoofo , in uu bixiyo 2500 oo dollar iyo 500 oo dollar oo dhul loogu iibiyo  iyo 1500 oo dollar oo guri loogu dhiso , halkaasna waxaa ka banaan shaqooyin badan oo aan dhulka ka jirin , waxaana muwaadin kastaa xaq u leeyahay in la siiyo BAASAABOORKA jamhuuriyadda caliweli ee dayaxa ku taalla , BAASAABOORKAA oo aad ku tegi karto koonka oo dhan , laakiin dhulka haddii aad doonayso inaad timaaddo waxaad u baahan tahay , inaad hesho DIYAARAD imanaysa oo aad soo raacdo .
Shaqooyin fara badan ayaa ka banaan lamhuuriyadda caliweli ee DAYAXA ku taalla , waxaanay jamhuuriyadan isku shuruuc iyo qawaaniin yihiin jamhuuriyadda caliweli ee north pole ka ku taalla .
Wixii faah faahin ah kala soo xidhiidh shirkadda caliweli ee ku taalla (MARS ) , Telephone no waxa weeye 0000-00-1234567890 .
Shirkadan waxa loo sameeyay in dadka dhoofku madax maray ay lacagta ka gurato , hadaba intaanad ku fekerin inaad BADDA isku tuurto ama aad SAXARADA ku dhimato , la soo xidhiidh , shirkadan cusub ee dhulka iyo baasaaboorka kuugu yaboohaysa .
DIGNIIN : sheekadani waa mala awaal ee hayla soo xidhiidhina .(hahahaha )