Maamulka cusub ee uu cali khaliif madaxda kayahay maka duwanaan doonaa maamulka puntland oo ma samayn…

maqaal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka   cusub ee uu cali khaliif madaxda kayahay maka duwanaan doonaa  maamulka puntland oo ma samayn doontaa awood qaybsi beelaha gobolada ay ku abtirsanayso xukuumada uu hogaaminayaa?

Qalinkii wada arin 

 

Anigoo ah mid ka mida bulshada dhaga dhegaysa siyaasada  jaho wareersan ee wadankii loo yaqaanay somaliya  ee haatan u googo,ay maamul goboleedka  marka laga reebo soomaaliland oo iyadu hore u sheegtay inay gooni isu taagtay hase ahaatee aan ilaa wali helin aqoonsi caalamiya mudo hada laga joogo 23 sano .

Taasoo aad iyana hada moodo inay maamulo ka samaysmeen sida khaatumo state,  awdal state,maakhir state in kastoo aan ilaa iyo hada aanay noqon wax shaqeeya maakhir iyo awdal halka khaatumo oomar samaysantay ay burburtay oo madaxweyneheedii uu hada wasiir ka yahay punteland .

Sikastaba ha ahaatee waxa hada dib usamaysmay maamulka khaatumo loona doortay madaxweyne cali khaliif (galaydh) kaasoo ay bulshadu iswaydiinaso qaabka uu usoo xuli doono xukumadiisa iyo inuusoo dhisidoono xukumad katayaadan tii hore ooy kadhex muuqdaan dhamaanba beelaha dega gobalada sool ,sanaag iyo cayn oo aan ahayn dhulbahante oo keliya iyadoo hadii uu kaduulo siyaasada uuna u eego qaabka isku xidhnaanta beelaha wada dega goboladaas gaarahaan kuwa ay tabashadu ka dhaxayso xukumada uu gadhwadeenka kayahay madaxweyne siilaanyo . uu kudaro xukumadiisa siiso saamiga awood qaybsi .

Waxase su,aashu tahay miyey dhacysaa ?

 Hadaba hadii aan akhristeyaal isku dayo in aan yare milicsado wax yaabaha ragaadiyey maamul goboleedadii khaatumo kahoreeyey sida punteland oo Sidaynu wada ogsoonahay maamulkeedu kudhisanyahay qabyaalad oo gobalada ay sheegato dadka kudhaqanaan wax kasiin bari iyo galbeed toona aan waxbakasiin maamulka iyada oo ku andacoonaysa amma kuqortay dastuurkeeda waa isiraac taasoo aynu kawada dheregsanahay inay caqabad kunoqotay jiritaanka maamulka oo looyaqaano majeerteeniya .

Waxa kale oo in taas dheer in maamulkii kahoreeyey ka mr= galaydh ee lagu dhisay magaalada taariikhiga ah ee taleex kaasoo lagu doortay madaxweynayaal tirabadan hase ahaatee iskuna beelahaa oo caqabad kunoqday jiritaankii maamul gooboleedkaas oo ka salalaadhnayd kahada cali khaliif hogaaminaayo  .

Sikastaba ha,ahaatee waxay dadka siyaasada soomaaliya indhaha kuhayaa amma  faalaynayaa waxay hadal hayntoodu ubadan tahay inuu yahhay cali khaliif nin ruug cadaayah oo ka agdhowaa siyaasiiyaasiyiintii ruugcadaag ahaa c/raxmaan tuur  , c/llaahi yuusuf iyo ina cigaal waxana laga filayaa amma saadaalinayaa inuu cali khaliif samayndoono dawlad wadaag ah oo ay kadhemuuqdaan dhamaan melah dega gobolada sool iyo sanaag iyo buuhoodle waxes aynu eegi doonaa halka ay isugu caanashubato maamulka cali khaliif hadaloo doortay

Waa bilaahi toofiiq

Mustafe aadan cali mr= wada arin

EMAIL= mustafeaa@hotmail.com

Â