Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Saxeexay Kuna Biiray Heshiishka Maamul Usamaynta Gobollada Dhexe (SAWIRRO)

Aug 6, 2014 Muqdisho(SM) – Munaasabad lagu dhameystirayay saxiixa maamul u sameynta gobolada Galgaduud iyo Mudug oo lagu qabtay Xarunta madaxtooyada Soomaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaaraha , Guddiga Wasiirada ahaa ee ku howlanaa maamul u sameynta goboladaasi iyo wakiil gaarka ah ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay, iyo marti sharaf kale waxaana soo dhaweeyay hishiiska Ra’isul Wasaaraha Dalka iyo ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana saxeexa kaddib hadal uu jeediyay Madaxweyne Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ku boggaadiyay heshiiska isagoona tilmaamay in wada hadal dheer kaddib maanta la dhameystiray heshiiskii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Raysal Wasaaraha oo kelmed ka jeedinayay madasha, ayaa yidhi: “Waxaan u mahadcelinayaa dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii u dambeysay maanta lagu soo xiray madashan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ximan iyo Xeeb oo garasho iyo bisayl la timid kuna soo biirtay walaalahood si ay u dhistaan maamulka cusub ee gobollada dhexe oo noqon doona tiirarka waaweyn ee Federaalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaaca oo walaalahood soo dhaweeyay”

“Hannaankani waxa uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in dalkeenna laga dhaqan-galiyo nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada uu ka koobnaanayo dalka. Aniga iyo golahayga Xukuumadda waxan diyaar u nahay in aan guddiga kala shaqayno sidii lagu xaqiijin lahaa howshan bilaabatay inay miro dhasho”

Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadani inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxana uu xusay in dhammaan golayaasha Dowladdu wadajir ay u taageerayaan heshiiskan in uu taabo galo.

“Waxaan bogaadin dadaalka xukuumaddu ay dalka uga hirgalinayso nidaamka fedeeraalka.Waa jiri karaan caqabado iyo is qab qabsi marka wax la dhisayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa wadatashi, wadahadal iyo gorgotan dhex mara dhammaan dhinacyada ay wada khusayso. Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wadashaqayn ah iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii”

Ugu dambeyn waxaa kulanka maanta dhinacyadu ku go’aamiyeen go-gosha lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe in lagu qabto degmada Cadaado halkaas oo laga sii amba qaadi doono dhamaystirka Maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya. tt