Maanso…WAA MAANSO LA YIDHAAHDO UMMADYAHAY BAL EEGA

ARBACA    20/8/2014    WAA MAANSO LA YIDHAAHDO  UMMADYAHAY BAL EEGA

maanso

BY XUSEEN XIRSI CAAMIR

 

 Assallaamu laahi caleykum  

Taariikhda  aan bal  asteeyo

Arbaca  iyo weeye caawa

Ogos oo labaata gaadhay

Alifeyn  intay toban dhaaftay

Afar ay ku dheeraad noqotay                  

 alleyl weeye  goortu  la seexday

Ummaddii dhamaan wada jiifto                                            

 in yar oo sidayda ah mooyi

in ay uur ku taaladu hayso   

Umadyaha bal eega eega                     

 ALLAAN  idinku dhaarshee eega

 waxan aan arkaayo  eega

 

ummadyahay bal eega eega

arligeena  manta eega

udubaynu diidnee eeg

bal ayaan darraantan eega

amnigeena liita eega

argagaxa dalkeena yaalla

dadkan  nolosha lagu aasaayo

 

ummadyahay bal eega eega

ubadka is deldelaya eega

ardaydii Tahriibtee eega

abtirsiimo baahday eega

eexdiyo  qabiilka  bal  eega

dadkan  kala  Irdhoobey  eega

 

ummadyahay bal  eega  eega

eelkaa  la beeray  eega

aagaaa  togdheerna  bal eega

ololahan dagaalka  eega

wada  oolka laysku diraayo

hubka  loogu geeyey  amaahda

bali  awga  diiriye   eega

 

ummadyahay bal eega eega

aayihii masiirka  eega

uub dheer into lagu tuuray

saw albaabka looma daboolin

bal  odhhaahda Gaalka eega  ( waa Nicolas key)

markii uu ogaadey hankooda

afartaa idiin talinaaya

ictiraaf  kii  saw lama diidin

saw maynu taa ogolaanin

oo  maynu dhaafsan aduun yar

 

ummadyahay bal eega eega

dadkii sool markii la illaawey

iyana  awdal saw kuma quusan

ma eedbaa hadhaw Qabanaysa

saw arootiyo Geedi maaha

ummadyahay bal eega eega

ilihii  dhaqaalaha eega

aafada ku baahday  eega

ayaxa iyo bal diirtan  eega

afcastiyo dhibiijadan eega

arligii la boobye eega

 

ummadyahay bal eega eega

anshaxa  iyo  dhaqanka  eega

bal  asluub  xumaanta    eega

Rabigii  abuurtay  coonkan

Ahaw yidhi siduu doono  (kun faya kuun)

Ku  abuuray  ee siiyey

Aadame inuu yaasho

Adigoo  adoon  kii  ah

Kii  kugu arsaaqaayey

Iyo nebi adeegiisa

Umadaasi gaadhsiiyey

Ashahaadada u keenay

Aflagaado loo quudhay

 

Ummadyahay bal eega eega

ALLAAN  idinku dhaarshee eega

Eedaa kuwii geeystey  aan laga

Abaal marinin balse lagu adeecaayo

 amar hay,Ad laga qaato iyo gaalada

uraysa oo lagu illaalinayao

XUSEEN   XIRSI CAAMIR

EMAIL INACAAMIR1960@HOTMAIL.COM