Maareeyaha Haamaha shidaalka Berbera Oo Noqday Kii Ugu Wax-qabadka Badnaa, Sammeeyeyna Khubuuro Ku Takhaakhuustay Shidaalka!

unnamedMaareeyaha haamaha shidaalka berbera Sheikh Saleebaan Siciid Aw Cali ayaa tan iyo wakh-tigii uu madaxweyne siilaanyo u magaacaabay Saleebaan maareeaya haamaha shidaalka berbera ,waxaa u ku hawlan yahay  sidii uu dayac-tir ballaadhan ugu sammmeyn lahaa keydka shidaalka oo ahaa mid qadiimi ah. Maareeye saleebaan waxaa uu sammeeyey gudida baadhista tayaada badeecadda shidaalka ee soo deg-ta .khubuuradaas ku takhaakhuustay hawlaha shidaalka ayaa si weyn ugu foogan tayaada uu leeyahay shidaalka la soo deejiyaa. Talaabadan oo ah mid ku cusub wakaaladda shidaalka oo aan hore uu lahayn khubuuro ku takhaakhuustay hawlaha shidaalka ayaa wax weyn ka tari doonta baahiyaha asaasiga ah ee ay  qabay bulshaddu.

Maareeye saleebaan ayaa dhowaan safar shaqo ugu kici timmay dalka isku tag-ga immaaraadka carabta gaar ahaan magaallo ganacsiyeedda ABU-DABAI .halkaaso uu kula kulmay shirkadaha shidaalka  ee ah kuwooda ugu caalamisan,waxaana uu socdaalkiisaas diiraadda ku saaray sidii ay shirkadahaasi Somaliland uga caawin lahaayeen,siday uu heli lahayd shidaal jaban.   Waxaana uu sharaxaad ka siiyeey ganacsataada khayraadka dihin ee ku  jiraa dalka iyo sidaa uu ugu baahan yahay cid ku sammeeysaa maal-gashi, waxaana uu bandhigay sidaa ay Somaliland u heeli lahad qalab tayo leh lagu kediiyo tayada shidaalka .

Shirkadaha shidaalka soo saara ayaa si weyn ugala dhacay war-bixinta uu siiyeey maareeyaha haamaha shidaalku.waxaanay ballaan qaadeen inay maal-gashi badan ku sameyn-doonaan kayraadka dalka jamhuuriaydda Somaliland.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah , daadaalka xukuumadda  Axmed siilaanyo ugu jirto,sidii wadanku uu u heeli lahaa shidaal jaban oo baahi tiara shacabka reer Somaliland .waxaana si weyn dhac-daadan ugu boggay bulshadaa  had- iyo goor xidhan hawlaha ganacsiga ee shidaal. Waxaanu maareeya saleebaan ku helay tallaabadan ammaan badan iyo inuu noqday mid kasoo baxay shaqaddi lo doortay la soco qaybaha kale ee wax-qabadka maareeye sheikh saleebaan …

 

Cabdi jibaar Ismaacil Diiriye (HULUNBE)

Tel:063-4757802

Hargeisa/Somaliland