Madaxweynaha dahsoon ee Amina Weris iyo isma oga shicibka reer Somaliland.

MAQAAL
Madaxweynaha dahsoon ee Amina Weris iyo isma oga shicibka reer Somaliland.
Amina waxay ku tala gashay inta Silaanyo noolyey in ay dalka xukuntu isna aqalka ku xidhnaado.
Shicibkuna intaa wuu la fahmayaa. Amina Weris wax ay maqasho waxay uugu necbtay qofka ku yidhaa markaa kursiga ka degtaan sidaa iyo sidaa. Kol haday maqasho kursi ka degis wey cadhootaa qof kaana dib uuma salaanto. Shicibku wuu daawaday wixii xilka lahaa ee madaarka Hargiesa ka dhacay markii Silaanyo soo laabtay. Dhuxul si badheedha ayuu u yidhi saxaafadu waxba ma weydiin karto madaxweynaha. Dabeed meeshii buuq baa ka abuurmay. Taa macna heedu waxa ay ahayd Silaanyo kama soo bixi karo jawaabaha su’aalaha la weydiiyo xasuusta oo ku yar darteed. Dhuxul wuxuu ka shifay arinkii madaxtooyadu dafireysay ee ahaa odeygu waxba ma xasuusto. Akhritow is weydii oo maxaa kalee loogu diidi lahaa in saxaafadu dhowr sua’alood weydiiso.
Dhuxul muu garan warbaahinta haba u yeedhin TVga qaranka mooyaane. Hadana markay yimaadeen wuu u diiday in ay madaxweynaha wax weydiiyaan. Waa dad aan protocol iyo diplomacy midna garanayn. Hadaba Amina Weris qorsha heedu waxa weeye dalka xukun odeyguna mar-mar dibadaha ha lagu arko laakiin wax suurta gal ah maaha. Boobka dhulkii iyo guryihii hantida guud lagu hayaa wuxuu daaranyay si deg-deg lacag badan Amina Weris ay ku urursato oo waxaas oo dhan iyadaa ka danbeysa. Lacag soo baxda oo aan Amina badhkeeda loo geyni ma jirto. Amina Weris waxay iska kharibaysaa ku noolaan shihii ay Somaliland si xora sida Daahir Riyaale uugu noolaan lahayad. 
Waxaan halkan ka cadeynayaa in dalka ay Amina Weris madaxweyne ka tahay oo aan Silaanyo waxba la socon. Maalintii madaarka fadeexadu ka dhacday Silaanyo lamuu socon qorshaha la degay ee ahaa in aan saxaafadu wareysan oo markii la buuqayay ee Dhuxul si edeb daro ah u lahaa madaxweyne adigu fadhiiso Silaanyana wuxuu yidhaa anigii baaba jooga hadana dheg looma dhigin ee waa la fadhiisiyay. Amina Weris iyo Dhuxul baa isku ogaa arinka ah in aan saxaafadu wareysan laakiin Silaanyo waxba lalama socod siin caafimaad kiisa dartii oo ay ilaalinayeen. Sidaa darteed Amina Weris baa Somaliland ka talisa ee rumeysta ama ha rumeysanina.
 Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.ca