Marawada Amina Weris oo jiif iyo joog ba diiday markay aragtay in ummadu is bedel doon tahay oon diyaar loo ahayn xukun keeda by Abdi Mustafe

MAQAAL
Dadkii iyo dalkii is heystay ee Daahir Riyaale ku wareejiyey Silaanyo sidii iyo si u dhow toona maaha oo taladii wadanka waxay gacanta uugu gashay koox budhcad ah uu dumar, caruur iyo wasiiro le. Kooxdaa waxa abaan duule u ah Amina Weris oo dawaana ay Wasiirka madaxtooyada isku dhaceen intaannu cimrada tegin. Qoyska Silaanyo shicibka oo keliya isma heystaan ee waxa uugu daran oo jiq ay isku wada yihiin siyaasiyiinta iyaga uugu dhow dhow.
Dhabaatada oo dhana waxa dhiga ama abuura Amina Weris iyo wiilka ay sodohda u tahay Morgan. Labadaa qof ayay haday wasiir tahay iyo haday qof mansab haya oo Kulmiye ka soo jeeda tahay lala shaqeynkari la’yey. Silaanyo isagu wuu gaboobay oo jaraaid baa loo geeyaa si uu uugu madadaasho galab walbana waxa soo mara Cukuse iyo Dhuxul oo wax u eeg bed time story u sheega oon midh run ihi ku jirin dabeed goor hore ayuu hoydaa isagoo war qaldan ku seexanaya oo isla wax waliba waa isku duba dhac sanyiin. Wasiirka Xirsi ayaa berigii hore uugu danbeyn jirey wax Silaanyo habeen kii la kulma laakiin isaga iminka waxa ooda ka rogatay Amina Weris oo weliba ka gardaran waayo Xirsi daacad buu shaqadiisa iyo da qoyskaba u ahaa. Amina Weris iyadana habeenkii koox dumara ayaa u timaada oo ay wasiirka tacliint Zamzam hor kacayso halkaa oo habeenkii lagu caweeyo sheekooyin alfa layla wa layla ah oo Amina looga sheekeeyo waxay jeceshay aadna loo amaano dabeed iyana waxay hoyataa iyadoo le xisbiyada mucaaradka ihi weligood ba ha iska hadlaan walee uugama kaco. Isku soo xoori oo madaxtooyada khayaali baa lagaga dhaqanyay iyo waxaan jirin iyo huuhaa.
Intaa waxa raaca laba wasiir ood moodu in aanay dhimanayn oo aad u halowsan oo faan iyo isla weyniyi ku badantay xoolihii ummadana afka buuxsaday oo kibir awgii dadkuba duqsi duqsi la yahay. Waa wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiirka macdanta. Wax kale daayoo Wadankii Qabyaladii ayaa fasalo loo furay. Wax aan ku si fiiyo heerka la marayo garan maayo. Dowladu waajib saarnaa ayay amaan moodaa oo aanay weliba wax weyn qaban. Wadadii ceerigaabo iyada waa la iska ilaabay oo kaambayn bay ahayd. Allow sahal amuuraa adaa noo aqoon lee.